shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Puntland oo shaacisay inay dhoofinayso in ka badan 1Million oo neef.

(Bosaaso, Nov  08,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo Dawladda Wadanka Sucuudigu Shaaca ka qaaday inay Furayso Dhoofinta Xoolaha Soomaalida ayaa Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Puntland shaacisay inay Diyaarisay in ka badan 1 Million oo neef Laga dhoofinayo Puntland,Wasiirka Xanaanadda Xoolaha ee Puntland Axmed Maxamed Doonyaale iyo Maamulaha Maxjarka weyn ee Magaaladda Boosaaso ayaa Maanta Shir saxaafadeed ku qabtay Gudaha Xarunta Maxjarka wayn ee Boosaaso.

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha ee Puntland Axmed Maxamed Doonyaale ayaa sheegay inay soo Dhawaynayaan Talaabadda Dawlada Sucuudigu ku fasaxday Xoolaha Soomaalida,Dekedaha Boosaaso iyo Berbera ayaa laga Dhoofinayaa Sanadkaan Xoolaha Somalia ka dhoofaya waxaana Haatan ku soo qulqulaya Boosaaso Gawaari sida Xoolo farabadan oo loo Dhoofinayo Sucuudiga sida,Ari,Lo' iyo Geel.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com