shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabdhaha reer Puntland ee ku dhaqan carigan Maraykanka siiba Magaalada Boston oo si diiran u soo dhaweeyay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Marwo Caasho Geelle

(Boston, Nov  14,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa xalay habeenimadii Sabtida ka shacay Magaalada Boston xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna soo dhaweenayay wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska ee Maamulka Puntland Marwo Caasho Geelle.

Xafladan oo ay soo agaasimeen Gabdhaha reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Boston ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan Jaaliyada reer Boston.

Xafladuna waxay u dhacday sidatan

Xaflada waxaa daadihinayay Xasan Yuusuf waxaana kalmada wacdiga Soo jeediyay isla markiina u caraabay Gurigiisa Sheekh Cismaan Siciid   Dhagayso

Waxaa sida caadada reer Puntlandka Boston ah waxaa Hadalka furay  Cabdulaahi Gurxan (Madey) Dhagayso

Waxaa isna goobta ka hadlay Eerkalo Dhagayso

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Gudoomiya ku meelgaadhka ah ee ururka midayndoona reer Puntland saxan sax-diisuna ku sii sinqaso wadamada Maraykanka iyo Kanada waa PDF Maxamuud Muuse Dhagayso

Hadhaafin ee ku nagoow oo dhagayso Buraanburkii Luul Gaalooti goobta ku harqamisay Dhagayso

Maryan Muuse Boqor Warbixin ka siinasa Wasiirka nolosha adag ee haysata Soomaalida ku dhaqan dalka dibadiisa siiba kuwa ku Baasiinka beelay Waqooyiga Ameerika iyo Yurub  Dhagayso

Maryan Gaas oo madasha kusoo dhaweesay Wasiir Caasho  Geelle   Dhagayso

Hadaymo la'aan Qudbadii Wasiirka iyo Qayta danbe

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com