shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa ka jira in Puntland sii dhiibtay Dad ka soo jeeda Beesha Absame (Daarood).

(Bosaaso,  Nov  01,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maalmihi ugu Dambeeyay ku soo badanayay Suuqyadda Magaalooyinka waaweyn ee Puntland warar sheegaya in Maamulka Puntland Rag ka iibsadeen Dawladda aan deriska nahay ee Itoobiya,Maamulka Puntland ma aha markii ugu horaysay oo lagu dhaliilay inay Rag ka soo jeeda Beesha Absame u dhiibeen Dawladda Itoobiya oo door wayn ka ciyaarta Siyaasadda Somalia,Shacabka Puntland badi Maalmihi ugu Dambeeyay waxay is waydiinayeen Sababta keentay in Maamulka Puntland Rag ay Bahwadaag yihiin u dhiibaan Dawladda Itoobiya oo Gumaysata Dhul balaaran oo ay Degto Beesha Ogaadeen(Soomaaliya).
 
Nimanka la qabtay:-
 
Nimanka la qabtay ayaa la sheegay inay Tiradoodu gaaraysay 5 kuwaasi oo la sheegay in laga Dhex qabtay Dooni ka soo kicintay Magaaladda Mukala ee Dalka Yaman,Ilo xog ogaal ah oo ay Shabakadan xiriir la sameysay ayaa noo xaqiijiyay in Nimankaasi ayaaheeyn rag Wadaado ah oo u janjeera Diinta Islaamka isla markaasna loo malaynayo inay wax ku soo barteen Dalka Yaman,Ragani ayaa na loo sheegay in Damacoodu ahaa inay ka shaqaystaan Magaaladda Bosaso Maadaama Dhulkoodi Gumaysi ku jiro,Ciidamadda Dekeda Magaaladda Bosaso ayaa Ragaani Haybsaday isla markaasna markii ay xaqiiqsadeen inay yihiin Rag asal ku leh Deegaanka Soomalidu Degto ee itoobiya waxay dhigeen Xabsi ku yaala Dekeda.
 
Qabashada Ragaani waxaa walaac wayn ka muujiyay Shacabka Puntland waxaana Baaqyo soo saaray,Nabadoonadda iyo Culuma'udiinka Puntland,Horay waxaa caado u ahayd in Ciidamadda Nabadsugida ee Puntland ee marka Magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan PIS ay Dadka Culumada ah Qaban jireen iyagoo u dhiibi jiray Dawladda Maraykanka oo Fangaraysa,Ha yeeshe warar badan ayaa ka soo baxay Shantii nin ee lagu xiray Dekedda.
 
Warar lagu Kalsoonyahay ayaa sheegaya in Ragii shanta ah wali lagu Hayo Magaaladda Bosaso iyadoona la geeyay Gurri uu deganyahay Qunsul Itoobiya u jooga Puntland(Sarkaalkan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa ilaaliya Ilaalo Itoobiyan ah oo khaas ah wuxuuna Dhawr mar safaro la galay Madaxweyne Faroole,Wakhtigii Madaxweyne Faroole Gaaray Itoobiya ayaan lagu Soo daray si uu xog ogaal uga noqdo in Puntland hubayso Ururka Gobanimo doonka ah ee ONLF).Ma cada ilaa iyo iminka in si toos ah Ragaasi loo wareejiyay balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masuuliyiinta Sarsare ee Puntland isku maandhaafsanyihiin sida Ragaasi laga yeeli lahaa.
 
Puntland oo qirtay Qabashada Ragaani:-
 
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa qiray in Ciidamadda Puntland ay gacanta ku dhigeen Rag amaanka Khalkhal ku haya waa sida uu hadalka u dhigaye,Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Qabteen 4 nin oo kaliya kuwaasi oo uu sheegay inay Gacanta ku soo dhigeen Ciidamadda Amaanka ee Puntland,Faroole ayaa si cad ugu adkaystay in Ragaasi ahaayen rag xiriir la leh ONLF osagoo sheegay inay Cadaynayaan Documents ay wateen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Faroole ayaa yiri isagoo ka hadlaya Masjid uu jimcihii u tukanayay (Masjid Huda Garowe) "Dadka ka soo jeeda Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya waa dad aan walaalo nahay,Waxay ganacsi ku leeyihiin Puntland,Anagu waxaan sheegaynaa inay Ciidamadda Amaanka ee Puntland Gacanta ku soo dhigeen 4 nin oo aanu is leenahay waxay ku soo tababarteen Dalka Ereteria Madaama aanu helnay Documentiyo Cadaynaya Arrintaasi...Marna ma ogolaanayno in Dekeda Bosaso looga Adeego Jabhadda ONLF oo Dawladda Itoobiya Dagaal hubaysan kala soo horjeeda".
 
Faroole ayaan looga Baran hadaladda Caynkaani ah ,Hase ahaate Faroole ayaa heshiis la soo galay Dawladda Itoobiya iyadoona Itoobiya wakhtigii uu gaaray ay ku soo canaanatay in Puntland laga tageero Jabhadda Xoriyad doonka ah ee ONLF,Balse si loola socdo Dhaqdhaqaaqa ONLF ee Puntland waxay Dawladda Itoobiya u soo dirsatay Puntland Sarkaal sirdoon ah.
 
Nabadoono iyo Culuma'udiin ka hadlay Waxa dhacay:-
 
Nabadoonadda iyo Culuma'udiinka Deegaanadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay ka xunyihiin waxa foosha xun ee ay ku talaabsatay Xukuumadda Puntland,Nabadoon C/casiis Maxamuud yuusuf Afgaduud ayaa Maalintii shanaad u xiran Waraysi uu ku cambaareeyay Falka Puntland kula kacday Dadka ka soo jeeda Deegaanka Ismaamulka Soomaaliyeed ee itoobiya,Puntland ayaa aad uga carootay warka xaqiiiqda ah ee uu Daaha ka qaaday Suldaanku.
 
Culimada Kala ah Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Xasan Xuseen Axmed iyo Sheekh Fu’aad maxamuud xaaji nuur oo ah Culuma'udiinka ugu Caansan Deegaanadda Puntland ayaa hadlo kukul oo ay arintaas uga soo horjeedaan waxa ay ka jeediyeen Masaajidda kala ah Al-Rashiid, Ramadaan, Iyo Al- aqsaa waxayna culimdu tibaaxeen in waxa dhacay uu yahay wax aad u xun diin ahaan iyo caqli ahaanba mana bannaana in qof muslim ah loo gacan galiyo cadow gaal ah , arintaasna ay ka dhalanayaan dhibaatooyin aduun iyo kuwo aakhiroba loona baahan yahay in laga hortago waxa la sameynayo ee dhibka ku ah Bulshada jiritaankeeda, amnigeeda , madaxbanaanideeda iyo nolosheedaba.
 
Sheekh Axmed Daahir oo ka hadlay Masjidka Ramadaan ayaa xusay in waxa dhacayaa ay yihiin wax aad looga xumaado runtii diin ahaan iyo dhaqan ahaanna aysan babaanaynna ayna ka dhalanayaan dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin wuxuuna yiri Sheekh Axmed oo ka hadlaya ninka la dhiibay " waxaa ka dhacay meeshaan Dekadda ah maalin dhaweyd niman walaalaheen ah oo dadka la dhashay oo magaca la wadaaga oo la abritis ah oo la dagaan ah ayaa ka soo dagay , sidaad ogtihiin waxaa loo gudbiyay Jeelka teer iyo shalay iyo habeen hore waxaa nagu soo dhacaysay nimanka waa la dhiibayaa hadda waxaa dhacday nin ka mid ah ayaa la gudbiyay waxaana loo dhiibay Itoobiya waa loo soo qabtay waa loo keenay gacantaa loo galiyay ninkaas sidaa ayuu ku tagay … nimankaa walalaheen ah inagaa dooranay oo maamulka ku maamuusnay baarlamaan baynu dooranay iyagii ayaa inoo dooray kan ugu sareeya in kan ugu hooseeya saas ayay u taxan yihiin dadkey la dhasheen".
 
Sheekha waxa uu sidoo kale xusay in dadku ay leeyihiin dhaqan iyo dad wax garad u ah mar walbana loo baahan yahay in la eego talada iyo hadalada waxgaradka wuxuuna yidhi "dadku waxay leeyihiin isimo waxay leeyihiin Nabadoono waxay leeyihiin Samadoono waxay leeyihiin Culimo waxay leeyihiin Baa’ic mushtar waxay leeyihiin wax wax ku ool ah arintu haday xuntahay waxaa ka dhiidhiya dadkaa dagaanka ah …dadka xilku qabanayo oo wanaaga laga rabo oo nabad galyada laga rabo oo ilaalinta dalkooda iyo dadkooda laga rabo oo diintooda inay ilaaliyaan laga rabo oo wanaaga laga doonayo oo magaca inay ilaaliyaan laga doonayo oo inay dhahaan ma dooneyno wixii khalad ah dadkaan weeye"
Sheekha oo sidoo kale ka hadlaya dadka la dhiibayo iyo bulshada waxa ay arintaa ka qaban karto ayaa yidhi "ma waxaynu raali ku noqonay in dadkii la inaku dul dhiibo raalina ma saas ayaynu uga noqonay waxaynu noqoneynaa hadaynu saas raali ku noqono oo aynaan hadii iyagii aan talo ugu gudbin karin hadayna talo ahayn intaas .. waxaa suurtoobi karta in inta khaladkaa sameyaysay ay yar tahay waxaan dad weynaha kula talinayaa marka hore diintiina marka xiga dadnimadiina marka xiga dalkina wanaagiisa idinkaa la idinka doonayaa".
 
Si kastaba ha noqotee Dad badan oo jooga Qurbaha iyo Gudaha ayaa aad uga carooday Falkaan dhacay iyadoo wali aad loo xasuusto Falkii saddex todobaad ka hor ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo kaasi oo Ciidamadda Itoobiya ay guri ku yaala Gaalkacyo kagala Bexeen Niman muruqooda Maala oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com