shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Casho sharaf lagusii sagootinayo Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Marwo Caasho Geelle oo lagu qabtay hayga Shamhaad Xalwo

(Boston, Nov  17,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa xalay lagu qabtay casho sharaf iyo iswaraysi hoose oo lagulanasii dardaarmayay fariimo culculusna loogu sii dhiibayay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Marwo Caasho Geelle.

Kulankaa oo lagu qaadaadhigay Arimaha Cakiran ee Laascaanood iyo Guud ahaan SSC,  xaalada Amaanka ee Puntland iyo unkamida wada shaqayn joogta ah oo dhex marta Jaaliyada Dibada iyo Maamulka Puntland.

Wararka badankooda oo xasaasiya shabakaduna aysan rusqad u haysan inay daabacdo awgeed ayaan loo sii falaqayn karin odhaahihii Casho sharaftaa balse ka bogo Sawirada.

Casho sharaftan oo ay kasoo qayb galeen Aas aasayaashii Puntland ayaa ku dhamaatay jawi is afgarasho ah aadna u wanaagsanaa.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com