shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diyaarad lagu Afduubay Hawadda Sare ee Puntland.

(Garoowe, Nov  02,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta lagu afduubay Hawadda sare ee Maamul Goboleedka Puntland Diyaarad Rakaab ah oo ay Leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airline,Diyaaradan ayaa ka kacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso waxaana Saarnaa Rakaab tiradoodu dhantahay 40 qof oo ka ambabaxay Magaalooyinka Bosaso iyo Berbera,Diyaaradan ayaa la ogaaday Afduubkeeda Markay Maraysay Hawadda Sare ee Degmadda Laasqoray.
 
Pilotka Diyaaradda ayaa la soo xiriiray Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso isagoo u sheegay inay u afduubanyihiin Koox hubaysan oo Tiradoodu dhantahay Labbo nin,Rakaabka Diyaaradda Saarna ayaa la sheegay inay Jaahwareeriyeen Afduubayaashi Diyaaradda iyadoona Dib loogu soo celiyay Diyaaradi Garoonka Bosaso,Markii Diyaaradu soo cagadhigatay Garoonka ayaa waxaa Dagaal dhexmaray kooxdii Afduubayaasha ahaa iyo Ciidamadda Nabadgelyadda ee Garoonka ku sugnaa.
 
Wasiirka Amniga ee Puntland Gen:C/laahi Siciid Samatar ayaa Warfidiyeenadda u sheegay inuu Dhaawacmay mid ka mida Afduubayaashi Diyaaradu,Waa markii ugu horaysay oo Diyaarad Rakaab ah lagu Afduubto Hawadda sare ee Puntland inkastoo Wasiirka Amniga ee Puntland sheegay inay Ragaani xiriir la lahaayen Burcad badeeda Soomaalida.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com