shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dood cilmiyeed ku saabsan Nabadda oo lagu soo Afmeeray Magaaladda Garoowe.

(Garoowe, Nov  05,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland Maanta Dood cilmiyeed loogu soo afmeeray Qaar ka mida Cuqaasha iyo Nabadoonadda Deegaanadda Puntland,Xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Garoowe ayaa lagu soo Gabagebeeyay Dood cilmiyeedkaan ku saabsanaa Nabadda iyo Qiimaha ay leedahay,Doodaan waxaa ka qaybgalayay Nabadoonado Tiradoodu ka badan tahay 80 Nabadoon oo ka soo jeeda Puntland iyadoona si aada loogu lafa guriyay Muhiimadda ay Nabadu u leedahay Bulshadda.

Doodan ayaa Gabagabadeedi lagu Qabtay Madaxtooyadda Garoowe waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo Qaar ka tirsan Golihiisa Xukuumadda,Madaxweyne Faroole ayaa Nabadoonada ay Doodu u soo dhamaatay u jeediyay Khudbad Dheer oo ka sheekaynaysa Muhiimada ay Nabadu u leedahay Bulshada Qeybeheeda kala duwan "Runtii waad ogtihiin Xukuumadda aan Majaraha uhayaa waxay wadaa Isku dayo badan oo la xiriira Amaanka.....Anagu waxaan tagnay Dalal badan oo Dibadda ah sida Maraykanka iyo Ingiriiska halkaasi waxaan ku arkay Dad badan oo soomaaliyeed ....Dadka aynu inagu Bahwadaagta isla nahay ha u badnaadeen waa Dad aqoonyahano ah waxay Dalka ka carareen Wakhtigii Dhibaatadu dhacday oo Dalka la isku laayay Nabad bayna haystaan...Runtii ogaada Nabadoonadu waa Halbawlaha Nabadda Marka la eego soomaaliya oo Soomaalid aad isugu Tixgeliso Oday dhaqameedka".

Sidoo kale Waxaa isna Halkaasi Hadal Kooban ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Gen:C/laahi Axmed Jaamac(Ilkojiir) iyo Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadda,Si kastaba ha ahaate Puntland ayaa iyadu Xasiloon wixii ka dambeeyay 1998dii wakhtigaasi oo Beelaha Bahwadaagta ah ee Dega Dhulka Go'aansadeen Dhismaha Maamul loo dhanyahay.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com