shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal ooge Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo Puntland soo gaaray.

(Gaalkacayo, Nov  03,  2009 Ceegaag Online)

Taliyaha Ciidamadda Biliiska DKMG ah ee Soomaliya Gen:Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa Galabta soo gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Puntland Somalia,Cabdi qaybdiid waxaa Safarkiisa ku weheliyay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee Fadhyigeedu yahay Magaaladda Muqdisho,Masuuliyiin ka socota Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Cabdi qaybdiid waxaana uu u hoyanayaa Caawa Hotel Taar city ee Waqooyiga Magaaladda Gaalkacyo.
 
Markii uu garoonka soo gaaray ayuu saxaafadda u waramay isagoo sheegay in ciidamada Booliska Dawladda Somalia uu Tababar usoo xirayo , kuwaasi oo tababar Dhawaanahan uga socday Degmada Carmo ee gobalka Bari Puntland, Balse Cabdiqaybdiid ayaa Mahad balaaran u jeediyay Shacabka Reer Puntland ee Nabadda Jecel.

Jeneraalka ayaa shaaciyey in ay dawladda Soomaaliya ay Dadaal ugu jirto Dib dhis xoog leh oo lugu sameeyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoo cadeeyey in ay hada wadaan tababaro kala duwan, wuxuuna sheegay in ay ka faa'iidaysan doonaan nabadgalyada Puntland ka jirto, oo ay ku tababaran doonaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Warar aanu ka helayno Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu Caawa oo kaliya joogi doono Gaalkacyo isagoo hadda kulamo la leh Masuuliyiin ka socota Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka wada Taliya,Cabdi qabydiid ayaa Berito usoo kicitimaya Magaaladda Garoowe halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Maamulka Madaxweyne Faroole isagoona usii gudbi doona Dhankaa iyo Boosaaso si uu Tababarka ugu soo Gabagabeeyo Ciidamadda Biliiska ee Puntland u tababarayso DKMG ah ee Soomalia.

 
Si kastaba ha noqotee Xiriirka DKMG ah ee somalia iyo Puntland ayaa wanaagsanayn tan iyo wixii ka dambeeyay Doorashadi Madaxweyne Sharif oo hadda Majaraha u haya Dawladda ay Dagaalka adag kala soo horjeedaan Xoogaga Islaamiyiinta ah walaw ay Taageero xoogan DKMG ah ka haysato Maraykanka iyo Beesha Caalamka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com