shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Cusub ee G/karkaar oo xilka La wareegay(Sawiro).

(Qardho  November 28,  2009 Ceegaag Online)

Xaflad Balaaran oo xilwareejin ah ayaa Maanta ka dhacday Xarunta D/Hoose ee Magaaladda Qardho,Xafladan ayaa waxaa xilka kula wareegayay Gudoomiye Cusub oo uu Dhawaantan Gobolkani u soo Magacaabay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,Waxaa xilwareejinta Maanta ka soo qaybgalay Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Maamulka Puntland waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka A/gudaha Cali Yuusuf Xoosh iyo Wasiirka Deegaanka iyo Ilaalinta Duurjoogta C/qani Yuusuf Cadde.

Gudoomiyihi Xilka lagala wareegay Yoonis Cali faarax ayaa Hadalka ugu horayntii furay isagoo Madasha horteeda ka cadeeyay in Maanta wixii ka dambeeya aanu isagu Gudoomiye ahayn balse uu xilkiisi ku wareejiyay Barasaabka Cusub C/qafaar Maxamed Aadan oo isagu Madasha Maanta ku sugnaa.

Si kastaba ha ahaate Xilwareejintaan ayaa imaanaysa iyadoo Gobolkani karkaar ay ka jirto Xaalad Amaanka xumo taasi oo si wayn looga Dayrinayay Beryihii ugu Dambeeyay iyadoona Magaaladda ay ka dheceen Dilal is xigxiga oo aanooyin qabiil ku qotoma.

Daawo Sawirada

 
Abdirashid Mohamed Dahir

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com