shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Hargeysa oo lagu Kordhiyay Dhisme cusub oo lagu Baranayo Xalinta Khilaafaadka.

(Hargaysa, Nov  03,  2009 Ceegaag Online)

Agaasimaha Wasaaradda waxbarashada, Somaliland Cali Cabdi Odowaa ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo jaamacada Hargeysa. Dhismaha cusub ayaa noqon doona xarunta xalinta khilaafaadka.Munaasibadii dhagax dhiga oo ay ka soo qayb galeen madaxda jaamacada Hargeysa, masuuliyiin ka socday hay’ada UNDP oo iyadu bixisay kharashka dhismaha, iyo xubno ka socday xukuumadda Somaliland ayaa ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay, guddoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa, Mubaarig Ibraahin Aar oo sheegay in dhismahan cusub uu faa’iido badan u yeelan doono mandaqada geeska Afrika iyo Somaliland-ba, waxana hadaladii Mubaarig ka mid ahaa ".

Maanta waxaynu dhagax dhigaynaa dhisme cusub oo jaamacada Hargeysa lagu kordhiyay oo ay kharashkiisa bixinayso hay’ada UNDP, waxa uu center-kani xalin doonaa khilaafaadka ka dhaca Somaliland iyo weliba guud ahaan Somalia, khilaafaadka ayaa si cilmiyeysan loo xalin doonaa isla markaana waxa uu noqon doonaa goob lagaga hor tago khilaafaadka, waxa dadka loo tababari doonaa xalinta khilaafaadka iyadoo siminaaro loo qaban doono, waa meel runtii uu maanta dalku u baahnaa, run ahaantii waxay jaamacada Hargeysa hormood u noqon doontaa wax kasta oo cilmiga kor u qaadaya, waxan hambalyaynayaa hay’ada UNDP, waxan rajaynayaa in dhismahani si deg dega u dhamaado,waxa uu dhismahani yeelan doonaa shaqaale si wanaagsan loo tababaray".

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, Cali Cabdi Odowaa ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxana hadaladiisii ka mid ahaa " runtii dhismahani faa’iido badan buu u yeelan doonaa Somaliland, ilaahay khilaaf inaguma keeno laakiin koleyba haddii khilaafaadba yimaadaan inuu noqdo center-kani meeshii khilaafaadka lagu xalin lahaa, haddii uu hore u jiri lahaa center-kani waxa uu qayb libaax ka qaadan lahaa xalinta khilaafaadka, waa wax wanaagsan in xaruntan la sameeyo, waxan ilaahay ka baryayaa in xaruntani noqoto mid dalkeena wax u tara".

Intaa kaddib waxa isaguna halkaa ka hadlay xidhiidhiyaha hawlaha bani’aadamnimada iyo dib u dejinta, hay’ada UNDP, Mark Bowden, waxana hadaladiisa ka mid ahaa " waxan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo munaasibadan lagu dhagax dhigayo dhismaha cusub ee xarunta xalinta khilaafaadka, waa mid ka mid ah hawlaha ay UNDP ka qabato Somaliland inay ka qayb qaadato wax kasta oo lagu xalinayo khilaafaadka, mashruuca lagu dhisayo xarunta cusub waxa iyaguna maal gelintiisa ka qayb qaatay dalal ay ka mid yihiin Sweden, Norway iyo Ingiriiska iyo weliba ururada bulshada. Xaruntani waxay noqon doontaa mid si cilmiyeysan u xalin doonta khilaafka iyo weliba dambiyada dhaca, waxaynu ku nool nahay wakhti ay wax waliba is bedeleen oo dambiyada iyo khilaafaadku bateen, intii aan imanayay Somaliland waxyaabihii aan ogaaday waxa ka mid ahaa inay bateen dambiyada ay geystaan ciyaala suuqa oo uu kufsigu ka mid yahay.

Markaa arrimahaas oo dhan ayay xaruntani u noqon doontaa mid ku xalisa hab cilmiyeysan. waxa jira khilaafyo badan, maaha xukuumadaha oo keli ah ee qoysaska laftooda ayaa mararka qaar u baahan in la xaliyo khilaafka soo kala dhex gala. Waxan hubaa in Somaliland ay hormuud ka noqon doonto xalinta khilaafka oo ay kaga horeyn doonto dalal badan oo geeska Afrika ku yaala. Markaa waxan ugu dambeyntii hambalyo u dirayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta mashruuca lagu dhisayo xaruntan".

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com