shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo Wadamadda Islaamka ka dalbaday inay ka taageeran La dagaalanka Burcad badeeda.

(Istanbul, Nov  10,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ayaa ka qaybgalay Shir ay isugu Yimaadeen Ururka Shirwaynaha Islaamka ee OIC(Organization Islamic Confrence) kaasi oo ka Dhacay Magaaladda Istanbuul ee Cariga Turkiga,Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Shirka Wadamadda Islaamka ee Istanbuul aad ugaga Hadlay Dhibaatooyinka Burcad badeedu ku hayaan Soomaaliya.
 
Shariif ayaa Dalalka Islaamka ka dalbaday inay gacan ka siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha burcadbadeeda ah ee maraakiibta ku afduuba biyaha Somalia, wuxuuna Madaxweynuhu xusay Dadaalada dowladiisu ku dooneyso inay ugu dhaqaaqdo dhinaca burcad badeeda.
 
Si kastaba ha ahaate DKMG ah ee Soomaaliya ayaa Fadhigeedu yahay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya halkaasi oo Fadhi u ah waxayna ka talisaa In kooban oo ka tirsan Magaaladda,Dawladda Soomaaliya ee Shariifku hogaamiyo hadda Awood buuxda uma laha La dagaalanka Burcad badeeda Maadaama Kooxo Mintidiin ah Dagaal Islaami ah kala soo horjeedaan

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com