shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shariifka iyo Faroolaha Puntland oo ku kulmay Nairobi.

(Nairobi, Nov  13,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) kulankaas oo ay kaga wada hadleen heshiis dhawaan ay labada maamul kala saxeexdeen.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana Madaxweyne Faroole uu u gudbiyay in la dhameystiro Heshiis ay hore labada dhinac ugu gaareen Magaalada Gaalkacyo, oo uu Dowladda Federaalka  u saxiixay Ra'iisal Wasaare, Sharmaarke.

Madaxweyne Sharfiif ayaa cadeeyay in Maamulkiisa  ay taageero hiil iyo hooba la garab taaganyihiin Maamul Goboleedka Puntland iyagoo waliba talaabo ka geysandoona  sidii ay wax uga qaban lahaayeen  Burcad Badeeda xarunta ka dhigatay Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka  ee Soomaaliya in ay isku aragti ka noqon waayeen mashaariicda horumarinta Puntland iyo in ay ka caga jiideyso dib u heshiinta.

Si kastaba ha ahaatee Kulankani oo ah mid xasaasi ah ayaa Maamulka  Puntland ku adkeystay inuu u madaxbanaanaado arimihiisa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com