shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda KMG ee Soomaliya  oosheegay in ay la hadlayaan  ururka Xisbul Islaam

(Muqdisho, Nov  13,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda KMG Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in ay wada hadal la galayaan Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in xilligan dagaalo kala horyimaado.

 

 

Waxa uu ugu baaqay  Xasan Daahir   in uu aqbalo   in uu la hadlo dowlada Soomaaliya si meesha looga saaro xasilooni darida ka jirta dalka islamarkaan shacabka Soomaliyeed ay u helaan nabad gelyo taam ah

 

Wasiirka   ayaa carabka ku dhuftay in ay so toos ah u kulmeen hogaamiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys. Markii uu dalka ku so laabtay hasa hatee waxa uu sheegay in  Xasan  Daahir uu  ka dhago adeegay in dowlada uu raaco ka dibna uu Soomaliya u horseeday dhibatada iminka jirta.

 

 Waxa uu ugu baaqay  Xasan Daahir   in uu aqbalo   in uu la hadlo dowlada Soomaaliya si meesha looga saaro xasilooni darida ka jirta dalka islamarkaan shacabka Soomaliyeed ay u helaan nabad gelyo taam ah.

 

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sidoo kale  sheegay in dad gaar ah ay diidan yihiin in ay baxaan  Ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in warkii Culumaa'udiinka laga hor yimid ee ahaa in dagaal aan la qaadin mudadii ay qabteen.

 

Waxaa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Nabadgelyo looga aslaaxin lahaa dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay Alle ka cabsadaan oo ay la yimaadaan Midnimo walaaltinimo ah.

 

Waa markii ugu horeeysay ee uu wasiirka Arimaha gudaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/qaadir Cali Cumar uu shaaciyo in ay wada hadal laga layaan  ururka Xisbul Islaam tan  iyo intii ay sii lexaadsadeen dagaalada u dhaxeeya xoogaga hubeysan iyo dowlada KMG ah

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com