shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun .
 

(W/galbeed Oct  03,  2009 Ceegaag Online)

Anaga oo ah Qoyska Reer Xaaji Cali Cilmi Waxaan halkan Tacsi ugu diraynaa  Xaaskii iyo Caruurtii iyo Dhamaan Qoyska Reer Xaaji Cismaan Geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee C/risaaq Xuseen X. Cismaan oo Gaadhi kula qalibmay inta u dhexeysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Marxuumka oo ahaa ganacsade aad looga yaqaano Gobolka Cayn ayaa waxa uu daganaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia halkaas oo uu qorsheenayay inuu uga kicitimo Dalka Dibadiisa.

Marxuum C/risaaq Xuseen Xaaji Cismaan (C/risaaq Afgaab) ayaa ifka kaga tagay 3 caruur ah iyo hooyadood Waxaan Illaahay uga baryayaa  Innuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyska iyo Ehelka oo dhanna  Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin  Aamiin Aamiin .

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com