shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo Xabsiga dhigtay Afhayeen u hadlay Ururka Ahlu-sunah Waljameeca.

(Garoowe,  October 02,  2009 Ceegaag Online)

Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Jimce ah xabsiga u taxaabay Afhayeen u hadlay Wadaadada Ahlu-sunah waljameeca isagoona  ka tirsanaa Dariiqadda Qaadiriya oo Xarumo diimeed ku leh Goboladda Puntland, Wadaadka Maanta la xiray ayaa lagu magacaaba Khaliif Cali ciiro waxaana aad looga yaqaana Masaajida Magaaladda Garowe,Khaliif cali ciiro ayaa sheegay Todobaadkan gudihiisa inuu Madax ka yahay Xafiiska Ahlu-Sunah waljameeca ee Deeganadda Puntland isagoo sheegey in xafiiskaanu ahaan doono mid la dagaalama kooxaha kale oo islaamiyiinta ah , inkastoo Maanta ay ciidamadda Amaanka ee Puntland dhigeen Xabsiga Magaaladda Garowe.
 
Xisbiga Ahlu Sunah Waljamaaca ayaa kamid ah garabyada ururada Islaamiyiinta ee isku haya Koonfurta iyo gobolada dhexe ee Somalia kuwaas oo ah garabyo hubeysan,Ahlu sunah waa urur ay Leeyihiin Wadaadada Qaadiriya oo awood badan ku leh Gobolka Galguduud ee Bartamaha Somalia iyagoona Dagaal adag kala soo horjeeda Ururka Mayalka adag ee Alshabaab oo ka dagaalama Koonfurta Somalia.
 
Puntland ayaa ka digaysa inay Saameyn ku yeeshaan waxyaalaha ka socda Koonfurta Somalia isla markaasna waxaa Maamulka Puntland sheegay in Talaabadani tahay talaabo horseedi karta Dagaal diimeed mar kale ka qarxa Gobolka Xasiloon ee Puntland,Tan iyo intii la maqlay warka ku aadan in Ahlu-sunah xafiis ku leedahay Puntland dad badan ayaa la yaabay Arrintaasi waxaana Puntland iminka xayiraad ku soo rogtay Idaacadda VOA hawleheeda Gobolka iyadoona warkaasi laga sii daayay labba berri ka hor Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA.
 
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa shabakadan soo gaarsiisay Waraaq lagu joojinayo Hawlaha Warbaahineed ee VOA.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com