shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta oo ka Qarxay Magaaladda Dekeda ah ee Kismaayo.

(Kismaayo,  October 01,  2009 Ceegaag Online)

Saaka waaberigi hore ayaa waxaa Dagaal aad u kharaar oo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam ka qarxay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose Koonfurta Fog ee Somalia, Dagaalkani ayaa saaka la sheegay inuu ka bilawday Xaafadda Calanley oo ku taala Bartamaha Magaaladda Kismaayo waxaana uu markii Dambe ku fiday Dhanka Bariga gaar ahaan Meesha loo yaqaano Qudbiga halkaasi oo uu Dagaalka xoogiisu ka Dhacay iyadoo ayna Qudbiga Fariisin ku leeyihiin Ciidamadda Xizbul Islaam gaar ahaan kuwa ka amar qaata Sheekh Xasan Turki.
 
Dagaalkani saaka dhacay ayaa ku soo aadaya xili Maalmihi ugu Dambeeyay Magaaladda Kismaayo laga Dareemayay Dhaqdhaqaaq Ciidan oo aad u baaxad weyn kaasi oo ay si wadajir ah u wadeen Dhinacyada isku haya Maamulka Kismaayo, Dagaalka lama oga ilaa hadda Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Balse Goob joogaayaal ku sugan Kismaayo oo aan khadka Tellka kula xiriirnay ayaa noo sheegay oo kaliya inay Maqlayaan Jugta Rasaasta Culculus ee ay iswaydaarsanayaan Dhinacyada ay Dirirtu Dhexmarayso.
 
Maxaa Qarxiyay Dagaalka?.
 
Dagaalka xiligaani kuma Cusba Magaaladda Kismaayo oo lagu sheego inay tahay Meel ku taala Dhul caro san oo khayraad badani ka soo xeroodo, Dad badani waxay aaminsanyihiin in Magaaladdu tahay Meel aan laga samri karin Maamulkeeda Marka loo eego Istiraatiijiyada, Magaaladda waxaa ku abtirsada Qabaa'ilo badan oo somali ah inkastoo Marka la eego ragii ka soo talinayay Magaaladda Kismaayo ahaayeen Hogaamiyayaal Dagaal oo u kala dhashay Qabaa'ilo kala duwan Tusaale Gen. Maxamed Siciid xirsi (Morgan) Wuxuu ka arriminjiray Magaaladda Kismaayo Muddo ka badan 5-sano isagoo markaasi u arkayay inuu Difaacayo  Beesha Harti oo qeyb ahaan Degan Magaaladda, Morgan waxaa uu Maamulki Kismaayo Taageero uga heli jiray C/laahi Yuusuf Axmed oo wakhtigaasi ka arriminayay Maamul Goboleedka Puntland.
 
Awoodi Morgan ku lahaa Kismaayo Dad badani waxay u arkayeen in lagu Dulminayo Beelo kale oo magaaladda iyana Degan inkastoo Beesha uu Moorgan Matalayay Magaaladda Qeyb ahaan u badantahay,Si kastaba ha ahaate Magaaladda Kismaayo waa laga faramaroojiyay Gen. Morgan waxaana Qabsaday Beesha Sade oo uu horkacayay Col. Barre aadan shire (Barre hiiraale) isagoo ku doodayay inuu samaynayo Isbahaysiga Dooxada jubba oo uu ku midaynayo Beelaha Gedo,Jubooyinka iyo Galguduud inkastoo uu burburay Hamigi Barre aadan shire ( hiiraale) waxaa Majaharaha siyaasadda Goboladda Jubooyinka soo fuulay Sheekh Xasan Turki oo ilaa 1991 ku sugnaa Xadka u dhexeeya Kenya iyo Somalia ciidamo badana ku haystay.
 
Xasan Turki wuxuu dagaalka kismaayo ka soo galay xagasha Diinta islaamka isagoo isu arkayay in haysashada Kismaayo tahay Salaan ama jaranjaro uu uga dusi karo Awooda Kismaayo balse Xasan Turki ayaa Laabkacay markii Damaci Kismaayo ay usoo hanqaltaageen Kooxda mayalka adag ee Al-shabaab oo iyana u arkaysa in Kismaayo tahay Meel Istaraatiiji ah oo ay kaga dhuumanayan Cadawgooda amaseba wado ay uga gudbi karaan Hawdka Raasakaambooni hadiiba laga awood badato oo Maraykanku Duqayn u gaysto.
 
Maxaa Dedejiyay Dagaalka Kismaayo?.
 
Masuuliyiinta Islaamiyiinta kala maamusha Magaaladda Kismaayo ayaa dhawrki todobaad ee ugu dambaysay saxaafadda iska dhaafsanayay Hadalo aad u kulkulul taasi oo iyana qeyb ka noqon karta Dagaal markale ka dhex abuurma Al-shabaab iyo Hizbul Islaam. Dagaalka Kismaayo ayaa soo shaacbaxay markii Alshabaab sheegeen inay ka arrimiyaan Kismaayo isla markaasna Maamul iyaga hoos taga uu Magaaladda ka jiro.
 
Halkan ka dhageyso Sheekh xasan yacquub
cali oo ku baaqaya Difaaca Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo :-
 
Abdirashid Mohamed Daahir- Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com