shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Adeegyadda Caafimaad ee Cusbitaalka Magaaladda Qardho + Sawiro.

(Qardho Oct  03,  2009 Ceegaag Online)

Qardho General Hospital waa Cusbitaalka guud ee Magaaladda Qardho xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland waxaana Cusbitaalka hawshiisu u socotaa si dardar leh iyadoona ay ka hawgalaan Takhaatiir ajaanib ah kuwaasi oo Qeyb ahaan Bulshada reer Qardhood Adeegyo fiican oo aasaasi ah u haya,Cusbitaalka ayaa sidoo kale waxaa uu ku shaqeeya Qalab casri ah iyadoona Cusbitaalka laga heli karo,Raajooyinka,Computerska Caafimaadka,Laboratory shaybaar casri ah ,Shaqaalaha ka hawlgala Cusbitaalka qardho tiro ahaan waxaa ay gaarayaan 80 shaqaale ah.

Agaasimaha Cusbitaalka Magaaladd Qardho Mudane:Nuur Maxamed Nuur ayaa noo sheegay in xiligani Cusbitaalku yahay mid hawshiisa si caadi u wata ayna ka maamul ahaan ku dadaaleen sidii loo keeni lahaa Takhaatiir khibrad durugsan leh oo ka hawgala Cusbitaalka isagoona xusay in Cusbitaalku iminka ku shaqeeyo qalab casri ah , Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xiriir wadashaqayn oo balaaran ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale waxaan halkaasi kula kulmay Dr:Abdimawla maxamed Taha oo ah Takhtar masaari ah waana Surgeant Speciallist Takhtarka qaliinka ugu horayntiina wuxuu iiga waramay sida uu Hawshiisa shaqo u wato iyo Adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalka Marka loo eego hawsha Qaliinka ee uu isagu qabto wuxuuna iigu jawaabay "Anigoo ah Dr:Abdil mawla Takhtar qaliinka ah oo ka hawgala Cusbitaalka guud ee Magaaladda Qardho waxaan ka imid Masar anigoo somalia joogay 6 Sano,5ano waxaan joogay Magaaladda Bosaso oo ay hawshaydu ku xirnayd Qardhona hadda sanad baan ka shaqaynayaa runtii Hawshayda qaliinka waa mid aad u taxadar badan marka la eego Badbaadada Qofka runtii marar badan ayaa waxaa dhacda inaan l kulmo dad badan oo Degdega ah ama Amergency habeen iyo maalinba waan shaqeeya xaaladaha caadiga ah ee Amergencyga waan ka gaashamana si aan u hubino xaalada Dhabta ah ee caafimaad ee Shakhsiga aan daaweynayno".

Waxaa cusbitaalka jiifay sida idiin muuqata Dad badan oo Bukaan ah kuwaasi oo ay hayaan cuduro kala duwan waxaana Dadkaasi adeegooda Caafimaad gacanta si dhab ah ugu haya Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho(Qardho General Hospital) sidoo kalena waxaa jirta Qeybta TB Centerka Cusbitaalka anigoo gudaha usii galay ayaa Qeybtaasi ahayd qayb aad u qalabaysan oo leh Farmashigi iyo Laboratory Dadka lagaga Qaado candhuufta hadaba si aan xog u ogaado waxaan la kulmay Dr:Cusmaan xuseen cali ah oo ah Madaxa TBda ee Cusbitaalka Qardhood wuxuuna iiga waramay ugu horayntii Adeegyadda Caafimaad ee Xaruntoodu qabato"Qardho TB Center waxaa la furay 24/Maarso/2009 waxaana furay Wasiirka Caafimaadka Dr:Biixi iyadoona ay ka qaybqaateen Hay'adaha Merlin,World Vision iyo WHO iyadoona ay xaruntaan ka kaalmeyan Daawada Merlin oo Implementation ka ah xaruntaan waxa ka shaqeeya 9 Qof xaruntaani ilaa hadda waxay gacanta ku haysaa 75 qof oo ay subax kasta Daawo siiso" ayaa uu yiri Dr:Cusmaan Xuseen cali.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com