shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Afghanistan oo Quus laga taaganyahay!.

(Kabul,  Oct  14,  2009 Ceegaag Online)

Wadanka Afghanistan wuxuu ku yaala Gobolka Bariga Dhexe oo ee ay hareeyen Xasararadaha ku qotoma Dhibaatooyinka Argagixisada ee ay reer Galbeedku ugu marmarsiiyoodaan Qaar ka tirsan Dalalka Islaamka ee ku yaala Bariga Dhexe,Tan iyo Intii Afghanistan lagu sameeyay Faragelinta Military sanadkii 2001 taasi oo uu hogaaminayay Maraykanku waxaa cirka isku sii shareeray Dhibaatooyinka ka jira Caalamka marka loo eego xaga Amaanka,Saameynta ugu balaaran ee Maanta Reer Galbeedka haystaa waa Dhibaatooyinka Amaan darro ee ka soo wajihi kara Xulafadda Wadaadka Mayalka adag ee Osama Binladen.

Hormuudkii Dagaalkii Maraykanka ayaa waxaa gadaal kaga soo darsamay(Reinforcement) xoogaga kale ee reer Galbeedka oo huwan Magaca NATO waxaana hadda awooda ciidan ee NATO hogaaminaya Dalka Britain oo in ka badan 500 askari looga Dilay Rabshadaha ka taagan gobolka Koonfurta ku yaala ee Helmand,Helmand waa Gobol ay aad ugu xooganyihiin Kooxda Mayalka adag ee xukunka laga tuuray (Daalibaan) kuwaasi oo Dagaalo ba'an kula jira Ciidamadda ka socda Britain,Canada,France,Italy,Australia,Germany iyo Maraykanka oo dhamaantood iska garabsanaya Dagaalka la doonayo in lagu soo afjaro Kooxda Al-Qa'eda oo ku dhuumaalaysata Buuleyda Xuduuda Pakistan iyo Afghanistan.

Afghanistan Reer galbeedka waxay ku noqotay Saddex xagalka Geerida taasi oo astaan u noqonaysa sida xal looga gaari la'ayahay Afghanistan,Maamulka Madaxweyne Obama ayaa ka caga jiidaya Dardar gelinta Ciidamo dheeraad ah oo loo diro Afghanistan inkastoo xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillarry Clinton todobaadkan Gudihiisa iyadoo ku sugan London sheegtay in Maraykanku Ciidamo u dirayo Afghanistan hadiiba loo baahdo balse Dawladda Britain ayaa Durbaba shaaca ka qaaday inay 500 oo askari oo dheeraad ah u dirayso Afghanistan.

Balse arrintan ayaa imaanaysa xili Koox qaabilsan isku dabaridka qalabka iyo diyaaradaha ciidamada Britain ay sheegtay in uu hoos udhac ku yimi tirada Diyaaradaha ay ciidamada Britain u isticmaalaan ,Waxa uuna sarkaal katirsan kooxdaasi oo lagu magacaabo Edward Lii sheegay in uu hoos u dhacaasi sababay kadib markii ay yaraatay dayactirka diyaaradaha ku kharaaba howlgalka ay ciidamada Britain kula jiraan Al-qacida iyo Daalibaan.

Waxuu kaloo Edward sheegay in wixii ka dambeeyay sanadii 2007 aanan waxba laga qaban diyaarado badan oo u baahnaa in la dayactiro,taasi oo kaliftay ayaa uu sheegay in Hawlgalkii xaga cirka ahaa hoos u dhoco 55%,Inta badan kharaabida ku timaada diyaaradaha cimilada oo xun wakhtiyada qaar markii ay ciidamada samaynayaan howlgalada iyo ceeryaamo isku gedaanta diyaarada kadibna wax gaar siisa matoorka diyaarada.

Britain waxay Diyaar u tahay inay in ka badan 500 oo askari u dirto Afghanistan:-

Dawladda Wadanka Britain ayaa hadda diyaar u ah inay tiro ciidamo ah oo ka badan 500 askari u dirto Dalka Afganistan sida uu sheegay Maanta oo arbaco ah Ra'iisalwasaaraha Britain Gorden Brown,Carqaladihi ugu xumaa ayaa 8sano soo maray Dalkaasi ka dib Dagaalki uu maraykanku horboodayay waxaana wax badan iska bedeleen Qorshayaashi lagu doonayay in Ciidamo loogu Diro Dalka Afghanistan iyadoo in ka badan 100,000 oo askari oo ka socda Wadamadda Reer galbeedku ku suganyihiin Afghanistan kuwaasi oo 65,000 oo ka mida yihiin Maraykan iyadoona la filayo in Ciidamo kale oo maraykan ah dib laga soo kordhin doono.
 
Gorden Brown ayaa maanta u sheegay Baarlamaanka Britain in Dalkiisu uu awoodo hadda 500 askari si tiradda Ciidamadda Britain ee Jooga Afghanistan looga dhigo 9500 askari oo xoojin ahaan u jooga Magaaladda Kabul ee Caasimadda Dalka.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com