shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hashii Caanaha badnayd Boos, oo aan dhaqalaynta haysan, maka warhaysaa waxay kusugantahay? Maqaal.

(Boosaaso Oct  10,  2009 Ceegaag Online)

Boosaaso waa magaalo Horumar wayna ku talaabsatay 20kii sano ee ugu Dambeeyay, hadana horumarkeedana  wax weyn ayaa wali ka dhiman marka la fiiriyo dhanka wadooyinka, iyado Magaaladu wadooyinku ku yaryihiin, isla markaasna kuwa faraku tiris ah ay yihiin ciriiri, halka kuwa kalena ay sii xirmayaan.

Magaaladda Boosaaso waxay ku taala dekeda ugu dhaqdhaaqa Ganacsi badan somalia  isla markaasna ah halbawlaha dhaqaalaha Puntland,inkastoo Boosaaso Puntland u tahay xarunta Ganacisga Puntland hadana waxay noqotay xarunta ganacsiga soomaaliya.

Waxaa ku xiran soomaali oo dhan qiyaastii 500 oo baabuur oo ah nooca waaweyn ee xamuulka qaada ayaa ka baxa magaaladda Boosaaso maalin kasta, iyagoo u jihaysanaya Gobolada koonfurta,Bartamaha, Wqooyiga iyo Kililka shanaad ee Itoobiya  iyadoo dhaqaalaha cashuur ahaan ugu soo xerooda Puntland 85% ay ka soo xerooto Dekeda Magaaladda boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Puntland ayaa dhisnayd in ka badan 10 sano waxaana tobankaasi sano Boosaaso ahayd hal irmaan oo cid kasta dheeqday "Hase yeeshe sidaad u dhiiqday laguuma dhaqaalayn" Magaca Boosaaso waxaa la sheega inuu ka soo jeedo hal Boos la dhihi jiray oo joogi jirtay Magaaladda Boosaaso hashaasina waxay noqotay mid caano badan oo Soomaali oo dhan deeqday waxaana caaneheedii looga soo gudbay caaneheedi wakhtiyo badan oo aad u adkaa kuwaasi oo soo maray soomaaliya,hadana hashii ayaa hadashay waxay tiri"Ma haysto meel aan maro,Ma haysto meel aan daaqo,Mahaysto meel aan ku galgasho,dhulkii oo dhan waa la sheegtay nolosheeduna halis ayay ku jirtaa Gar gaar yaan u baahnahay, Maamul iyo shacaba gacmaha aynu is qabano oo hasha wadooyinka aan u furno si ay qararkaas u soo daaqdo.

Baahida Boosaaso Maanta maxaa ugu wayn?.

Runtii baahida maanta Boosaaso ka jirta waa habayn iyo Qaabayn lagu sameeyo magaaladda,iyadoo wadooyinka xiran ee magaaladana la furo  sida tan ka tagta suuqa caanaha oo dekeda aada iyo dhulka banaan ee Magaaladda ku xeeran  oo wadooyin loo sameeyo Magaaladda oo boosaaso oo ah magaalo baaxad wayn oo dadka iyo baabuurtu ku badanyihiin  hadana Magaalada intaa le'eg waxaa gasha kana soo baxda halwado taaso dadka iyo Gadiidkaba ay ku yaabanyihiin.

Waxaa xiligaan aad loogu baahanyahay in 2 wado si degdeg ah loo sameeyo mida hore oo ka leexanaysa Buurcad laamiga iyado aadaysa Bariga Boosaaso siina maraysa Madaxtooyadda una gudbaysa Maxjarka xoolaha iyo Dekeda,Tan labaad waxay ka leexanaysaa isla Burcad waxayna Magaaladda ka maraysaa kor waxaana ay ka sii maraysaa aaga International Hotel.

Waxaa la is waydiin karaa yay hawshu u taala?.

Waa arrin iskaashi balaaran u baahan dhan dawladeed iyo dhan shacab bah shaki kuma jiro hadii uu maamulka bilaabo in ay shacabkuna ay qaybtooda ka qaadan doonaan,Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole dhawaantan soo hadalqaaday wadooyin laga samaynayo Magaaladda Boosaaso isagoo ku amray Dawlada hoose ee boosaaso inay ka shaqeeyaan Bilicda Magaaladda,waa arrin lagu farxo haddii Maamulka Faroole uu wax ka qabto Naqshadaynta iyo Qaabaynta Qaab dhismeedka Boosaso waa mid taariikhda u galaysa.

Bogcado Kumanaan kun oo dollar  iyo saro dhaadheer oo marmar lagu dahaaray micno badan ma leh hadaysan helin wadooyin boosaaso waa meel halka mitir oo dhulka ah uu ka qiimo badanyahay wadada marka la eego siday Aaamisanyihiin dad badan oo reer Boosaaso ah magaaladda Boosaaso waa magaalo si baaxadweyn ku socota waxaa jira dhulbadan oo banaan oo sanooyin ka dib dhismaya dhulkaasi waa bariga Koonfurta iyo Galbeedka boosaaso hadana waa bogcado oo qaabayn iyo wadooyin ayaa loo samayn karaa.

Boosaaso iyo Garowe kala duwan.

Inkastoo boosaaso ka wayn tahay Magaalada Caasimadda ah ee Garoowe hadana Garoowe waa ka wadooyin fiicantahay Boosaaso waxaana arrintaasi amaanteeda leh shacabka Reer Garowe  oo si wayn u fahansan muhiimadda wadooyinka iyo waliba Maamuladi kala duwana ee soo maray Degmadda Garoowe ama Dawladda Hoose.

Runtii waa meel wadooyinka laga qiimeeyo hadana waxay heshay hogaamiyayaal Diyaar u ah in ay hagaajiyaan bilicda Magaaladooda iyo wadashaqayn shacabka ah taasoo Boosaaso aanay marna helin.

Intii sanadka ahayd waxaa Garowe laga sameeyay Wadooyin badan oo ay ka mid yihin Jidka islaan Maxamed loogu magacdaray iyo wadada isku xirta Xaafadaha Dowladaha Puntland  iyo Magaaladda garoowe inteeda kale halka boosaasona ay sii xirmayayaan wadooyinkii faro ku tiriska ahaaa ee ay lahayd amgaaladaasi.

Garoowe wadooyin dhaadheer ayaa ay leedahay hadana waxaad ku arki kartaa in aysan wadooyinka  dhiraysnay, oo hadii wadooyinka dhaadheer iyo dhir is raacilahayeen waxay kor u qaadilahaayeyn bilicda magaalaga,dhiraynta wadooyinku waxay ka qayb qaadataa bilicda Maaaladda waxayna ka hortagtaa Qoraxda iyo Dabaysha,waxaa xusid mudan intaa garowe marayey in aan ku arkay Geed aan la yaabay waa geed yar oo aan har fiican lahayn, hadana dad badan oo isugu jira siyaasiin iyo aqoonyahano ayaa harsanaya Qoraxdana si fiican uga celinmaayo Geedkaasu wuxuu ku yaala Laamiga dhanka shishe

Magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland sida Gaalkacyo iyo Qardho waa kuwo la mida Boosaaso dhanka wadooyinka iyagana waxay u baahanyihiin in wax laga qabto.

by: Xaamid C/laahi Xaaji
wadani30@gmail.com

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com