shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin madaxa wax ka qaba oo horay ugu googooyay Aabihii magaalada Laascaanood oo saaka la qisaasay

(Laascaanood Oct  10,  2009 Ceegaag Online)

Magaalada Laascaanood oo nabadgalyo ad u badan heshay ilaa intii maamulka Somaliland Gacanta ku qabatay ayaa saaka ku waa bariisatay qisaasta Axmed Maxamed Cawaale (Axmed lugay).

Marxuum Axmed lugay ayaa horay wuxuu si arxandara ah ugu googooyay Abihii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cawaale oo ahaan jiray Sawirlihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee ay yeelato dhulkii Somaliland ee Ingiriisku Gumaysan Jiray.

Wiilka uu dhalay Maxamed Cawaale ee saaka la Qisaasay ayaa ahaa isagu wiil madaxa lagaga Jiro horayna looga soo musaafuriyay wadamo Yurubta ah.

Dad xog ogaala oo shabakadan Ceegaag kala soo xiriiray magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in falkan qisaasta uu yimid kadib markii ay isku raaceen badanaa qoyska reer Cawaale.

Waxaanu Tacsi u diranaa reer Cawaale meelkasta oo ay joogaan waxaana leenahay ku samra masiibada Aduunka kolba reer ayay dul istaag taa e. labada marxuumna waxaan ilaahay uga baryanaa inuu u danbi dhaafo oo janada fardawsana geeyo Aamiin Aamiin Aamiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com