shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaaharaad lagu muujinayay Ceeryaamada Colaadeed, caloolyow, ciirsi la'aan, camal la'aan, iyo caawimo la'aan ee dul hoganasa Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Toronto ee dalka Canada

(Toronto Oct  13,  2009 Ceegaag Online)

Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Toronto ayaa maalin nimadii Sabtida ee bishu ahayd Oct 10, 2009 waxay farasmagaalaha kusoo ban dhigeen Cududooda deganaansho ee Toronto, isla markaana waxay u baroor diiqeen dadkii iyo dalkii ay kasoo digo rogteen.

Jaaliyada ayaana marnaba is waydiin in dhibka ugu badan ee Soomaaliya ka taagan uu yahay in dalku Maskax guuray loona baahan yahay in mutodawacnimo, ama Naftii huronimo (ma aha ficilka kooxa isqarxiya) ee waa mid dalka la geenayo aqoonta loogana faa'ideenayo dadkii inagaga hadhay Soomaaliya si ay iyagu dalka wax ugu qabtaan waxna uga qabsadaan.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa ka qaybgalay warbaahinta Qaran ee si tafatiran noogu soo gudbisay hawshaa ay reer Toronto u istaageen, iyada oo laga sugayo dhibka Soomaaliya wax ka qabashadiisa inay horgale u noqdaan reer Toronto oo ayna Baroordiiq hawshu uga Kala biiqbiiqin.

Daaawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com