shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Masar oo Mamnuucaysa in Habluhu Goobaha waxbarasho ku dhigtaan Indho-shareer.

(Cairo Oct  06,  2009 Ceegaag Online)

Sida uu qoray Maanta oo Talaado ah Wargeyska Al-Masri Al-Yom Hay'adda ugu saraysa Dhanka shareecadda Islaamka Wadanka Masar ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhawaaqi doonto go’aan ka dhan ah in Habluhu goobabaha waxbarasho sida Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha ay ku dhigtaan indho shareerka ama niqaabka dumarka Islaamka ay qaataan, kaasi oo la sheegay in uu yahay mid si weyn ugu soo kordhaya dumarka wadanka Masar.
 
Maamulka guud ee Jaamacada Al-Azhar ee wadanka Masar Dr. Maxamed Sayid Dandaawi ayaa hadalka shaaciyey, waxaana uu sheegay inaanay meelnaba ka soo galeyn shareecada Islaamka in haweenku ay qariyaan guud ahaan wajigooda, isla markaana ay tahay xirashada ama qaadashada niqaabka mid si weyn ugu sii kordhaysa wadanka Masar.
 
Dhanka kale Wargeyska Madaxa Banaan ee "Al Masri Al Yoom" ayaa sheegay in Sh. Dandaawi uu si kadis ahi ula kulmay Booqasho uu ku tagay Machad ka tirsan Al-Azhar oo ku yaala xaafada "Nasri" ee W/Bari Qaahira Ardayad dhigata Fasalka 2-aad ee Dugsiga Dhexe oo Xiran Indha-shareer dhex fadhidana Fasalka gudihiisa wuxuuna ku Amray inay siibto.
 
Wargeyska ayaa yiri "Sh. Dandaawi Ardeyda hortooda wuxuu ka yiri Indhashareerku waa Caado oo kaliya wax xiriir ahna lama laha Diinta Islaamka Mar Dhaw iyo mar Fogba".
 
Ardayadda oo u jawaabsay Dandaawi Difaacdaysana Xirashada Indha Shareerka ayaa Sheegtay inays Machadka gudihiisa ku xiran Indha-shareerka ee ay u xiratay oo kaliya markii ay ka warheshay inuu Dandaawi iyo wafdi la socda ay Booqasho ugu imaanayaan, laakiin Dandaawi ayaa ugu Jawaabay "aniga ayaa adiga iyo Waalidkaagaba idinkaga aqoon badan Diinta Islaamka".
 
Mowqifka Sh. Dandaawi ayaa Muran xoogan ka dhex abuuray Baarlamaanka xubin ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka Masar oo ku jira Baarlamaanka Xamdi Xasan ayaa si kulul u weerary Dandaawi wuxuuna yiri "wuxuu noqday mid Bahdilay Xukuumadda iyo Mu’asasaadka Diiniga ee uu u nisbo Sheegto".Si kastaba ha ahaate wadamo badan oo carab ah oo ku yaala Bariga dhexe ayaa aad looga Isticmaala Indhashareerka waxaana ay Dad badani xasuustaan Ciqaabta ay haweenku la kulmi jireen wakhtigii Dalka masar ay Hoos imaan jirtay Xarakadi Daalibaan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com