shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sharxaad cilmi ku dhisan oo ku saabsan sababta keenta dhul go'a dhalaamacune

(Dhalaamacune,  Oct  22,  2009 Ceegaag Online)

Dhul go'a ka dhacay dhalaamacune ma aha wax ku cusub dunida, balse waa arin had iyo goor ka dhacda dhulka oo la xidhiidhta dabeecada.

Hadaba si aan u hubiyo in ay tahay sida aan u maleenayay ayaan waxaan warqad u qoray nin aan saaxiibo nahay wadana shaqayno oo  isgagu ku takhasusay dabeecada dhulka iyo deegaanada oo la yidhaah do Rex Radloff .

Sharaxaada oo aad u yar ayay waxa ay tahay sidatan, dhulka waxaa ka jiray abaar  taasoo waxyeeshay dahaar rabaani ah oo dhulka baliyada noqdaa leeyihiin kana samaysanta dhooqada nooceeda aadka u yar yar kuna samaysanta meelaha ay biyuhu dhulka hoostiisa uga dusaan xagiisa sare.

Akhristoow dahaarkaa ayaa dabcay dhulka oo aad u ooman oo biyihii dhulka hoosane aad u fogaadeen ayaa dabaca ku yimid meeshaa yar oo tuubo rabaani ah ah. biyihii ku sii daysay dhulka sidii tuumbo meel ka dilaacday oo kale.

dhulka intiisa roobku ku da'ay ee qoyday meeshu way ka hoosay saa dhulku waa ooman yahay oo aad ayuu biyaha u liqaa taa waxaa u sii dheer sawirada siiba kan cajalada ayaa muujinaya ciida noocaa oo kale ah inay dhibic biyo ahi korkeeda ku hakaneen.

Ilaa laga gaadhayo biyaha dhulka ee hoose ama roobab badan oo dhulka dhargiya ka da ayaan, ciida sare ee roobku qooyayna qoyan tahay dhul go'u ma istaagayo.

Tusaale ahaan iyama ayaad culustahay marka aad biyaha ku dhexjirto iyo marka aad dibada taagan tahay ciidii hoose ayaa mushanowday haynna kari la' culayskii ay awal haysay markii ay qalalnayd waa ciida hoose e markaasaa ciida inta sarena ku dumasaa inta hoose.

Figure 1: Baliga markii uu buuxay ee ayna tuumbo dhuleedku dabcin biyahana sii dayn.

 

Figure 2: Baligu markii uu biyaha dhulka hoostiisa ku sii daayay.

 

Eng. Xuseen Fiin

Boston, USA

webmaster@ceegaag.com