shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Garaadka Garaadada Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo daahaka rogay ujoodooyinkii shirkii Nayroobi ee beesha Dhulbahante

(Nayroobi,  Oct  16,  2009 Ceegaag Online)

Garaadka oo ay caro hadalkiisa ka muuqato, waxaa uu BBC u warramay ka dib markii la soo geba gebeeyay shir beeleed ka dhacay magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Laas Caanood iyo Buuhoodle ay tahay in ay ka baxaan ciidammada Somaliland, haddii ay taasi dhici weydana ay Somaliland mas'uul ka noqoneyso wixii dhaca.

Garaad Jaamac wuxuu ku tilmaamay in arrintu aanay ahayn qabyaalad la isku hayo, ee ay isaga iyo dadka uu Garaadka u yahayba ay ka soo horjeedaan kala go'idda Soomaaliya.

Dhinaca kale BBC da oo hawsheeda caadada u ahayd (dibindaabyada iyo isku dirka shacabka Soomaaliyeed) sii wadata ayaa waraysatay

Baashe Maxamed, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa ku gacan seyray hadalka Garaadka.

Waxaa uu ku tilmaamay in Garaadku uu yahay isaga Garaadkiisii laakiin luqaddiisa ayuu duray.

Wuxuu ku tilmaamay in aanuu Hargeysa u shaqo tegin ee Hargeysa ay tahay dalkiisii.

Xigasho:BBC

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com