shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

WHO oo tababar ugu soo Gabagabaysay Garowe shaqaale Caafimaad(Sawiro).

(Garoowe,  Oct  24,  2009 Ceegaag Online)

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO(World Health Organization) ayaa usoo Gabagabaysay Tababar ku saabsan Cuduradda Fida shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Saraakiil ka kala socotay Cusbitaaladda Puntland,27 Sarkaal oo isugu Jiray Shaybaariistayaal(Laboratory Staff) iyo Kalkaaliyayaal(Nurses) caafimaad ayaa ka faa'iidaystay Tababarkan Caafimaad.

Tababarkan ayaa lagu Bartay sida lagu Xakamaynkaro Cuduradda Faafa(Infactious Disease) gaar ahaan Pandemic Influenza(H,N),Casharadda lagu Baranayay Tababarkani intuu socday ayaa ahaa kuwo xooga lagu saarayay Ahmiyadda Caafimaadka gaar ahaan sida Shaqaalaha Caafimaadku uga shaqaynkaraan Goobaha Caafimaad ee kala Duwan.

Tababarkan ayaa Waxaa Bixinayay Saraakiil Ajaanib ah oo Takhasus u leh Arrimaha Caafimaadka,Waxaana Tababarkani isugu jiray Maqal iyo Muuqaal lagaga Sheekaynayo Dhibaatooyinka Cuduradda Faafa iyo sidii loo samata bixin lahaa Bulshadda la ildaran Xanuunadda.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com