shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Arday Dhamaysatay Tababar Caafimaad oo lagu Gudoonsiiyay Shahaadooyin Qardho(Sawiro)

(Qardho,  Oct  23,  2009 Ceegaag Online)

Xaflad si heer sare ah loo soo qaaban qaabiyey oo shahaadooyin lagu siinaayey arday dhameysatay tababar caafimaad ayaa maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Qardho,Munaasabadaani ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas'uuliyiin sarsare oo ka socday Ururada Bulshada,Masuuliyiin, Macalimiinta iyo marti sharaf aad u farabadan.
 
Ugu horeyntii Xafladaani waxaa daah furay Maamulaha Machadka Tabarka Caafimaadka Ee Rajab Al-ustaad Cabdiraxmaan Maxmad cali Black oo ku dheeraadaaay dadaalkii ay u galeen in ay soo saaraan arday si wanaagsan loogu tababaray Xirfadda Caafimaadka islamarkaana ay dhameysteen dhamaan qeybaha kala duwan ee Caafimaadka.
 
Maamulaha ayaa sheegay in ay heleen ardaydaani inta ay baranayeen Maadada Caafimaadka Practical joogto ah(Permanent Practical) oo ay ku baranayeen Sida loo duro dadka iyaga oo soo qaatay baraatikaal ku saabsan shanta qeyb ee uu u qeybsamo duriinka, iyo sida loo rakibo Faleenbada iyo waliba sida ugu haboon ee loogu gargaaro qofka shilka galay, iyo sharciyada Caafimaadka, kaalkaalisinimada iyo Ujeedooyinka loo barto Caafimaadka.
 
Ustaadka ayaa sidoo kale sheegay in ardaydaani ay soo qaateen dhamaan Cudurada faafa iyadoo xooga loogu saaray in si weyn loo baro waxyaabaha sababa cudurada ,sida lagu garto cudurka ,ka hortaga iyo daawooyinkiisa hadii uu qofka haleelo Cudur.
 
Sidoo kale Xafladaasi waxaa Khudbado si weyn loogu farxay ka soo jeediyey qar kamid ah araday maanta ka qalinjabisay Tabarka caafimaadka waxaana ka mid ahayd Salma siciid Maxmad oo kamid aheyd ardaydaani ayaa waxa ay soo jeedisay Muwdoow ka sheekeynaayo Barashada Caafimaadka, waxa ay ku dheeraatay si weyna ugu hadashay Cudurka jabtada , waxa ay tilmaamtay siyaabaha la is ku qaadsiiyo iyo sida looga hortago iyo sida loo daaweeyo cudurkaani.
 
Runtii dadkii Maanta ka soo qeybgalay xafladaani ayaa si weyn ugu farxay Mowduucyadii ay soo jeediyeen Ardaydii maanta ka khalinjabisay Tababrkaani.
 
sidoo kale aradaydii maanta halkaasi mowduucayada ka soo jeediyey waxa kamid ahaa Mahdi Yuusuf Nuux, Shamis C/raxman Axmad, Faadumo Cumar Axmad.
 
Sidookale Xafladaani ayaa ardaydii maanta dhameysatay Tabbrakaani waxa ay soo bandhigeen Riwaayad ay aad ula dhaceen ka soo qeybgalayaashii Xafladaani waxa ayna halkaasi ku soo bandhigeen Riwaayad Masrixiyeed si weyn loola dhacay.Ardayda ayaa intii ay socotay Xafladaani ayaa waxaa ardaydii soo bandhigeen Practical ku saabsan Toliinka(Suture Practical) taasi oo si weyn u muujisay in ardaydaani ay si weyn wax u soo barteen.
 
Gabagabadi Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay Sahro siciid jaqanaf oo ah isuduwaha wasaaradda haweenka Ee Gobolka Karkaar, waxa ay amaan dheer u soo jeedisay Machadka tabarka Caafimaadka ee rajab iyadoo ku tilmaamtay in uu machadka ka midyahay Machadyada Ugu sareyso Deegaanada Puntland inkasta oo ay xustay in ay Machadka ka qalinjabiyeen Arday farabadan oo isugu jira Arday dhameysatay Tababar saxafinimo iyo Luuqadda Englishka,Sahra ayaa sheegtay inay Qol ugu deeqayso Machadkaan.
 
Ugu danbeytiina waxaa shahaado lagu doonsiiyey Arday Gaareysa 15 arday oo muddu shanbilood ah soo qaatey tabar caafimaad, waxaana xafladda ay ku soo dhamaatay Jawi aad u Wanaagsan.

Daawo Sawirada


 
Abdirashid Mohamed Daahir-Ceegaag Online
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com