shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo Shir jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho.

(Muqdisho,  Oct  19,  2009 Ceegaag Online)

Halkaan ka Dhagayso Codka Madaxweyne Sharif:-

Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia Sharif sheikh Axmed ayaa Maanta Shir jaraa'id ku Qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia,Shirka Jaraa'id ayaa Madaxweyne sharif kaga Waramay Arrimo dhawr ah oo la xiriira Safaradi uu Dalka uga Maqnaa Mudadi Dhawrka Asbuuc ahaa isagoo Sheegay  inuu Safarkiisu ka bilawday Magaaladda Jida ee Dalka Sucuudiga isla markaasna uu ku soo Gabagaboobay Dalka Maraykanka,Sharif ayaa sidoo kale Carabka ku dhuftay inuu Kulamo la soo yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cariga Maraykanka.

Madaxweyne Sharif ayaa sheegay inuu la soo kulmay Madaxda dalalkii uu booqday islamarkaana ay si weyn isuu afgarteen arrimihii ay ka wada hadleen hadana Madaxweynaha ayaa soo hadal Qaaday Dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhexeeyey Al-shabaab iyo Xizbul Islaam, isagoona sheegay in dagaal kasta oo ka dhex dhaca dad muslim ah ay ka horjeedaan.

Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha ayaa ka hadlay Arrimo la xiriira Burcad badeeda,Dhalinyaradda ka yimaada Maraykanka ee isku qarxiya Somalia,Fakhriga iyo Gaajadda,Dagaaladda iyo Nabadgelyadda.
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com