shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiir Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Garaash" iyo Marwadiisa Luul Yuusuf Dhuux oo u mahad celinaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston

(Boston,  Oct  28,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa nasoo gaadhsiiyay mahad naq Wasiirka duliista hawada ee Maamulka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Garaash" iyo Marwadiisa Luul Yuusuf Dhuux iyaga oo u mahad celinaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston sidii diiranayd ee kal iyo laabta ahayd ee ay Boston ugu soo dhaweeyeen ka gadaal waajibaad qaran oo ay ka soo guteen dalkii hooyo,

Marwada wasiirka Luul Yuusuf Dhuux ayaa si gaara ugu mahad celinasa dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay hab maamuuskii is waraysiga iyo wacyi galinta ahaa ee saygeeda loogu samaeeyay magaaladiisa Boston.

Sidoo kale Wasiir Axmed Garaash ayaa isna u mahad celinaya dhamaan reer Boston isaga oo ku guubaabinaya in meesha laga kaco wadankeeniina wax loo qabto Bostona hormood u noqoto ku guryo noqashada dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com