shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada SSC oo sidiiran usoo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Mudane Cali Ahmed Jama Jangali

(Columbus, Ohio Oct  10,  2009 Ceegaag Online)

Xaflad heer sare ah oo ay jaaliyadaha ssc ee Columbus Ohio u qabteen Wasiirka Arimaha Dibadda ee soomaaliya mudane cali ahmed jama jangali ayaa lagu qabtay habeenkii KHAMIISTA magaalada columbus Ohio halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyey wasiir jangali iyo marwadiisa.

Daawo Sawirada Xuquuqdooda waxaa iska leh Boocame

 
 Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen shacabwaynaha ssc ee columbus ohio oo isugu jira culimaa u diinka,aqoon yahano,indheer garad,saraakiil,hooyooyin iyo gebi ahaanba bulshada noocayadeeda kala duwan.ayaa ahayd xaflad loogu talo galay casho sharaf loo sameeyey wasiirka arimaha dibadda iyo marwadiisa oo aad loo habeeyey.
 
  Wasiirka oo ka jeediyey qudbad dheer xafladda ayaa wuxuu kaga waramay xaaladda dalka soomaaliya marayso iyo siyaasadda Dawladda fadaraalka,iyo arimo badan,wuxuu kaloo wasiirku qeexay inay tahay dawladiisu tahay dawlad ku meel gaar ah.dawladuna qorshaynayso in Dawlad dimoqraadiy ah oo aan ka madhnayn hadana nimaadka islaamiga ah la samayn doono  mustaqbalka,hase ahaatee loobaahan yahay in dalka nabad lagu soo dabaalo.
 Mudane jangali ayaa sheegay in Dawladiisu ay ku shaqayn doonto meel kasta oo nabad ah oo  ka tirsan gobolada soomaaliya mar uu ka hadleyey hay adaha dawliga ah inay ka shaqayn doonaan gobolada nabadda ah hadii loo baahdo.
 
  Wasiirka oo ka hadlay doorka qurba joogta soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweyne shariif iyo wasiirka arimaha dibadda  Clinton ay nairobi si qoto dheer arintaas uga wada hadleen,isagoo ku micneeyey mid loo baahan yahay inay qurba joogto doorkeeda ka qaataan,ayna ka caawiyaan arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada,isla markaana  ay dawlada maraykanku kabidoonto caawimadda qurba joogtu dirayso.
 
Mar uu wasiirku xusay shirka ka socda Magaalada nairobi  ee ay leedahay beelwaynta dhulbahante ayuu sheegay in loo baahan yahay beelaha ssc in ay midnimo  layimaadaan meel kastoo ay joogaan isagoo ku dhiir galiyey in shirku uu noqdo mid guulaysta oo aan keenin kala qayb sanaan isagoo umahad celiyey qaban qaabiyayaashii shirka Nairobi.
 
 wasiirka oo ku dheeraaday topic beelaha ssc ayaa sheegay inanaanay soomaaliya kala go ayn, wax kala go la yidhaahdana aanu jirin taasoo kolkuu wasiirku hadlayey ay ka muuqatay kalsooni wayn.waxaa kaloo shirka ka soo qayb galay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada dawladda fadaraalka ah oo ka soo jeeda ssc oo la yidhaahdo ahmed maxamed hassan,waxaa sidoo kale xafladda salaan ahaan ugu soo booqday mayerka magaalada columbus.
 

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com