shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mushkilad Gaamurtay,Talo bixin ma leedahay!Faallo.

(Qardho,  Oct  29,  2009 Ceegaag Online)

Talo in la isu jeediyaa waa wax caadiya,Dadka Isticmaala Aaladda Electronikadda ah ee Internetku waxay ka dhiibtaan waa Fikir sida anoo kale,Soomaaliya waa Dal aad u baaxadweyn oo ku fadhiya Bad hadana Dal kasta waxaa Khayraad u ah Dadkiisa,Taasise Ma noqon waxay somali Abaal gud ahaan u bixiyaan,Dagaaladi Qabiilku Meel loo raaco bay lahaayeen oo haddi Reer hebel wax gaystaan iyagaa lagala xisaabtamayay,Hadda Somalia waa Geedi meelay u socotona alaa og.

 

20 Sano oo burbur ah ayaan sii cagacagaynaynaa hadana Rajo iyo Yididiilo lagu Naaloodo ma muuqdaan,Hadana Somalia waxaa ka socda Dagaal aad u gaamuray oo u dhexeeya kooxo isdiidan balse Dagaaladi somalia Maalinba maalinta ka dambaysa way ka soo xumaanayeen wajiyo kala duwan bay lahaayen,Tusaale waxaa inoogu filan intii Burburku ka jiray Dalka Soamlia waxaa soo maray Marxalado aad loola Yaabay oo ka fajiciyay Shacab dhibaataysan.

 

Dagaalka Somalia waxaan dhihi karnaa kama Ood sokeeyo Dagaalada Ciraaq iyo Afghanistan ee loo yaqaano (Secterian Violences) Dagaalo Diimeed,Beesha Caalamku waxay noqotay Mindi labbo afleh oo Somali isku dirta,Hadiise somali Caqli leedahay way garwaaqsan lahaayen waxa ka dhacaya Dalkooda iyagoo is daba qaban lahaa,Maalin kasta Nin baa la keensadaa Miiska si uu u noqdo Madaxweyne Maqaar saar ah oo u adeega Qolo Dano wadata(Hadaanse saas iri kama Wado inaan Qolo duqaynayo ee waad aragtaan Somalia maanta Boogta laga bogsan la'yahay waa tan Shisheeyaha Tus:Itoobiya oo Gumaysata Dhul Somali leedahay waxay Maamusha Somalia iyadoo isticmaalaysaa Nidaamki uu Gumaysigu u isticmaali jiray Somalia-Indirect Rule-Puntland,Somaliland iyo TFG waxay fuliyaan Awaamiirteeda taasise waxaa ka daran Dadka Diinta ku qaraabanaya ee Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed Daadinaya).

 

Niman gafuurku u duubanyahay waxaan ku naqaanay Ciraaq iyo Afghanistan,Balse soomaliya ayaaba Ififaaladi ka soo baxday Muddo aan sidaasiba u fogayn,Diintu waxay ahayd mid Nasteexo ah oo la fahmo,Diinta Somalia waxay ahayd Mid soo jireen ah Waxayna Soomaalidu haystaan 100% Diinta Islaamka iyagoo wada Suni ah,Diintu waxay soomaaliya soo gaartay Qarniyo ka hor.Maalin kasta Soomaaliya ugu yaraan 200 oo qof ayaa u dhimata Dagaalo maalinba Maalinta Ka dambaysa soconaya.

 

Waxaa xusid mudan in Dadka soomaalidu ay khilaafyadoodu ku dhamaysan jireen Geed hoostiis iyagoo Gacmaha isqabsanaya,Balse waxay noqotay hadda inay Somalia Lugta ku walaaqaan koox la baxday “Beesha Caalamka” oo Maalinba maalinta ka dambaysa hurinaya Colaada Somalia(Ayaa doonaya inuu xasilo Dal Dhulkiisu Barwaaqo yahay…Ayaa doonaya inuu xasilo Dal Dadkiisu isku Diin,Dhaqan iyo Afyihiin….Ayaa Doonaya inuu Xasilo Dal Taariikh wayn ku leh Dunida xaga Dagaalka……Ayaa Doonaya inuu xasilo Dal Dhulkiisa la gumaysto) Bal akhriste Iswaydi).

 

Soomaali Maalinba waxaa Dhinac u daadihinaya Dad shisheeye ah oo Hub isugu Dhiibaya,Rajadda ugu xun Somalia waxay soo ifbaxday Markii Dagaalku isu Bedelay Waji Diimeed,Maanta Dagaalka Soomaaliya wuxuu Noqday Dagaal Caalami ah(International War)Madaama ay Somalia ka dagaalamayaan Carab jihad doon ah oo ka soo gudbay in Ka badan 500 Mile-Bal imisay isu jiraan Afghanistan iyo Somalia-Bal maxaa Burundi iyo Uganda keenay Muqdisho-Bal Maxaa Somalia soo geliyay Itoobiya oo aan cidla iskaga reebnay-Itoobiya Sanad ka hor Muqdisho waxay ku qabteen Dabaal deg caalami ah.

 

Ma doonayo inaan ku dheeraado Warbixintayda(Nin hadal badan yiri Ma wada oran nin inyar yirina kama wada tegin) ma doonayo inaad Akhriskiisa ku dheertaan-Hadalkase waxaan leeyahay-Imisaa somali Talo isu soo jeedisay-(Mushkilad Gaamurtay-Talo bixin ma leedahay).

 

Abdirashid Mohamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com