shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararkii ugu Dambeeyay ee Caalamka iyo Shabakadda Ceegaag Online.

(Boosaaso Oct  12,  2009 Ceegaag Online)

Ninkii Afduubay Diyaaradi PANAM sanadkii 1968dii oo lagu Qabtay Magaaladda Newyork.
 
Waxaa lagu qabtay Magaaladda Newyork ee Cariga Maraykanka Luis Armando Pena oo ka dambeeyay afduubkii diyaaradii laga lahaa maraykanka loogu gaystay sanadkii 1968dii wadanka Cuba kadib markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee John F Kennedy isagoona kasoo kicitamay wadanka Cuba,Armando pena ayaa loo haystaa in uu kadambeeyay afduubkii diyaarada maraykanka loo gaystay 24-November 1968,waxuuna 41 sano kadib ku dhiiraday in uu safar ku tago wadankaasi maraykanka oo ah wadanka laga leeyahay diyaarada uu xiligaas afduubka u gaystay.

Mr.Luis ayaa ah ninkii muddadii ugu dheerayd ay baadi goobayeen hay’ada FBI ee danbi baarista ee dalkasi Maraykanka Waxaana lagu wadaa in maalinimada beri ah oo ku beegan Talaado la soo hortaagto Maxkamada dalkaasi Maraykanka iyadoona ay afduubkan la gaysteen Labbo nin kale kuwaasi oo ku khasbay inay ka degto Magaaladda Havana ee Caasimadda wadanka Cuba,inkastoo labadaasi nin ay isa soo dhiibeen Bilawgii sanadkii 1970kii laguna xukumay 15-Sano oo xarig ah.

Si kastaba ahaate Ninkani ka dambeeyay Afduubki Diyaaradi Maraykanka laga lahaa ee PANAMA ayaa eheladiisa moogaa in ka badan 40 sano wuxuuna Magangalyo Siyaasadeed ka haystay Wadanka Shuuciga ah ee kulaala Laatiin Ameerica(Cuba).
 
Hillary Clinton oo baaq u dirtay Hogaamiyaha Afghanistan
iyo Dawladda Iiraan.

Xoghayaha Amuuraha Dibadda ee Wadanka Maraykanka Hillary Clinton ayaa Baaqyo u kala Dirtay Hogoomiyaha Dalka ay Dagaaladu Ragaadiiyeen ee Afghanistan Hamid Karzai iyo Dawladda Islaamiga ah ee ay sida wayn isu hayaan Reer Galbeedka Iiraan,Clinton ayaa baaqaan ka soo saartay Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska.

Xogyaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mrs.Hillary Clinton ayaa sheegtay in dowlada Maraykanka ay ka sugeyso Madaxweyne Karsaay inuu la yimaado ficilo dheeri ah oo uu dalkiisa ku hananayo waxaana Hamid Karzai lagu wadaa inuu noqdo ninka ku guuleystay doorashada weli muuranka ka taagan yahay ee dalkaasi Afghaanistaan, iyadoona ay shaaciyeen Guddiga Doorashadda ee Afghanistan inuu Madaxweynaha Taladda haya ee Hamid Karzai ku guulaystay 54.5% codadka ilaa iyo Iminka la tiriyay walaw ay Hay'ado badan oo la socda Doorashadu ka dhawaajiyeen inuu jiro Musuqmaasuq Xoogan.

Clinton ayaa u muuqatay inay Yididiilo u hayso Madaxweyne Karzai waxayna sheegtay in ciidamada Dowlada Afghaanistaan looga baahan yahay inay noqdaan kuwa shaqeeya, isla markaana culeyska ka qaada ciidamada Maraykanka hogaaminayo ee weli dagaalada adag kula jira kooxda Talibanka iyo Al Qaida, iyadoona intaasi ku dartay in Ujeedka ugu wayn ee Americanku ka leeyahay Afghanistan tahay sidii loo kala dhantaali lahaa Kooxda Gaamurtay ee Taliban.

Dhanka kale Hillary Clinton ayaa Baaq u dirtay Dawladda Wadanka Iiraan ,baqaas ayaa waxa uu xambaarsanaa in ay Iiran ka waan towdo samaysashada hubka nuclearka, iyadoo ay Dowlada iiran ka biyo diidan tahay in ay joojiso samaynta hubka nuclear-ka ,Waxayna sidoo kale sheegtay hillary Clinton in dowlada iiran ay oofiso hashiiskii ay wada galeen iyada iyo 6dowladood oo caalamka ugu awooda badan hashiiskaasi oo ku aadanaa in ay xukuumda iiran ka waantowdo hubka sida aadka wax u gumaada ee nuclear-ka.

41 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Dalka Pakistan.
 
Qarax aad wayn oo la qorsheeyay ayaa lagu weeraray Militaryga Wadanka Pakistan maanta oo Isniin ah sida ay goor dhawayd oo Galabta ah baahisay Wakaaladda wararka ee Reuters 41 qof ayaa ku dhintay Qaraxaasi waxaana Masuuliyada weerarkaasi sheegtay Ururka Taliban,Bartilmaameedka Qaraxani ayaa ahaa Degmadda Shangla oo u dhaw Dooxada ay rabshaduhu aafeeyen ee Swat Valley sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Militaryga Wadanka Pakistan.
 
"Wuxuu u muuqday Qarax banbaano oo la soo qorsheeyay waxana loo adeegsaday baabuur,Saddex gaari oo ay Militaryg lahaayen ayaa lagu garaacay waxaana baabuurtani maraysay Suuqa aadka u mashquulka Badan ee Degmadda Shangla" ayaa uu yiri Sarkaalka Biliiska ee Degmadda Shangla Khan Bahadur Khan,Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Iskuxirka Goboladda ee Pakistan Mian Iftikhar Hussain ayaa sheegay in Qaraxani ay ku dhinteen 41 qof oo isugu jira,35qof oo rayid ah iyo 6 askari halka ay ku dhaawacmeen 45 qof oo kale.
 
Si kastaba ha ahaate Gobolkani (Swat-Valley) ayaa waxaa ka taagna Bilihi ugu Dambeeyay Rabshado dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac ka dib markii Maraykanku Duqayn cirka ah ku dilay Hogaamiyihi Al-Qaeda ee Pakistan Beytulah Mascoud.

Abdirashid Mohamed Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com