shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Ceegaag oo maanta si weyn looga Ciiday.

(Ceegaag,  September 20,  2009 Ceegaag Online)

Kadib markii Bisha habeenkii xalay laga arkay qeybo kamid ah Dalka Soomaaliya iyo inta badan Dalalka Islamka sida Saudi Arabia, Qatar, Kuwait, UAE, Yemen, iyo North Afrika ayaa waxaa si guud loogu dhawaaqay in ay tahay Ciid sidaasina waxaa ku Ciiday dad aad u fara badan oo ku dhaqan Labada Xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Ceegaag.

Dadka kudhaqan Degmada Ceegaag ayaa waxa ay ku kala tukadeen salaadii Ciida Labada Xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Ceegaag, Dadka ayaa isugu tahniyadeynayay Munaasabadda Ciida, Iyadoo dadweynaha Degmada Ceegaag  ay badankooda ay maanta wada ciideen.

Sidoo kale waxaa maanta si guud ahaan looga ciiday Magaalooyinka Yeyle, Horufadhi, Laascaanod, Burco, Hargeysa, Garoowe, Qardho, Boosaaso, Gaalkacyo, Gobolada dhexe ee dalka iyo Jamhuuriyada Jabuuti.

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com