shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Barlamaanka S/land oo ku baaqay Mudaharaad looga soo horjeedo M/weyne Riyaale.

 (Hargeysa, September 09,  2009 Ceegaag Online) 

Iyadoo maalinimadi ay Ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegen xarunti Fadhiga Golaha wakiiladda Somaliland ayaa waxaa maanta shir jaraa'id qabtay Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdulahi (Cirro) oo ka warbixiyay ugu horayntii sidii shalay ay wax u dheceen "Waxaan shacabka reer Somaliland la socodsiinayaa dhacdadii tiiraanyada lahayd ee [shalay] ciidanku ku xidhay golayaashii sharci-dejinta, waxaanna jiray kulan caadi ah oo Golaha ka socday oo noo muddaysnaa in La-taliyaha sharcigu akhriyo talo soo jeedintiisii ku saabsanayd labada mooshin,  Si wanaagsan ayuu goluhu u furmay, waxaananu iclaaminey markuu hadalka dhammeeyo in aannu hadalka laba xildhibaan siino oo ka kala socda mudanayaashii soo saxeexay labada mooshin, haseyeeshee markii uu akhriyey La-taliyuhu mooshinkii hore ee maamuus-kaxayuubinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku waxay bilaabeen mudanayaashu ka soo horjeeday maamuus-ka-yuubinta waxay bilaabeen qaylo, dabadeedna waxa dhacday xildhibaan ka soo horjeeday mooshinkaas inuu la soo baxay baastoolad, dabadeedatana buuq ayaa dhacay fadhigiina waannu xidhnay, waxaannu u muddaynay inuu Sabtida dib u furi doono goluhu".

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay habkii Ciidamadu gudaha ugu soo galeen Xarunta Golaha wakiiladda ee Magaaladda Hargeysa "In yar kadib waxa soo galay ciidamo boolis ah oo sidaad ka warqabteen beryahanba ku waageernaa xayndaabka golaha oo qorshahay sugayeenna ahaa kaa maanta [shalay] dhacay oo ah in golaha la xidho oo awooddii qaranku isugu ururto fulinta, awooddaa la isticmaalayaana waa tii qaranka, cid keliya oo gaar u isticmaali kartaana ma jirto, awood kasta oo la isticmaalana karaamada shacabka ayaa ka weyn, waxay doonayaan ayaa ka weyn".

Mr C/raxmaan cirro ayaa baaq u diray Shacabka reer Somaliland "Waxaannu u sheegaynayaa ummadda reer Somaliland golihii ay soo doorteen in maanta albaabada loo xidhay, Guurtidiina lagu daray, waxaannu qabnaa oo aannu u soo jeedinaynaa shacabka reer Somaliland in maanta la laalaabay rajo kasta iyo hannaan kasta oo dimoqraadiyadeed oo ka jiray Somaliland, rajo kasta oo laga qabay doorasho, xukunkii oo maanta isku beddelay keligii taliye. Shacabka reer Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa xaq, inay la dagaallamaan xaq-darrada, waxaannu jecelnahay inuu goluhu shaqeeyo oo shaqadiisii caadiga ahayd qabsado.

Marka taasi laga soo tago shalay ayaa intii lagu jiray Fadhigi buuqa iyo sawaxanku ka dhashay ayaa waxaa la sheegay in labba xildhibaan isku farasaareen Madashi ay fadhiyen Goluhu hadaba Saxaafada ayaa maanta Magaaladda hargeysa ku waydiisay Gud:cirro intii uu ku shiray Shirkiisa jaraa'id labadi Xildhiban ee isfarasaaray inuu faahfaahin ka bixiyo wuxuuna kaga jawaabay "Mudanaha golaha dhexdiisa bastoolada kula soo baxay ee madasha khalkhaliyey waa xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw Xoog) oo ka mid ah mudanayaasha UDUB ee mar walba golaha qasa ,Annagu awood uma lihin baadhista mudanayaasha, laakiin madaxda ciidammada ammaanka waxaannu ku amarnay inay xildhibaannada hub ka baadhaan, balse waxay si cad noogu sheegeen in aanay xaq u lahayn baadhitaanka mudanayaasha, arrintaasina waa ta keentay falkii shalay... inkastoo aan wax khasaare ah ka dhalan, haddana waxay u muuqatay qorshe loogu talogalay oo la doonayey in xidhitaanka golaha marmarsiiyo looga dhigto".

Balse Gabagabadi Hadalkiisa ayaa C/raxmaan cirro waxaa uu ugu baaqay Shacabka inay Banaanbaxyo dhigaan kaasi oo ay dareenkooda kaga muujinayaan Talaabadda ay Dawladdu ku xirtay Fadhigi Golaha Baarlamaanka Somaliland.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com