shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warar dheeraad ah oo kasoo kordhay Dilkii shalay ka dhacay Tuulada Sararweyne.

(Sararweyne,  September 13,  2009 Ceegaag Online)

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta dilku ka  dhacay ee Tuulada Sararawayne  ayaa Shabakadda Ceegaag Online u xaqiijiyay sida loo dilay labada marxuum ee ku geeriyooday dilkaas toogasho, Goobjoogahaas ayaa noo xaqiijiyay in labadaas nin lagu dilay shirqool horay loo qorsheeyay oo ay si wada jir u soo qorsheeyeen nimanka kala ah:

1)     Aadan Xaaji Jaamac Gadhwayne (Aadan Toohe)

2)     Cabdi faarax Gucuri (Cabdi Illow)

3)     Faarax Xasan Jaahay (Hagoogane)

4)     Muuse aadan Carab iyo

5)     Goofadhe Cumar Xaaji Maxamuud

Dilkaas oo ay ugu horrayn ku khaarajiyeen ALLA ha u naxariistee Maxamed Cabdi-giir Dabagooye oo uu  dilay Goofadhe Cumar x. Maxamuud oo ay galbinayeen nimankan kor ku xusan dhammaantood. Ka dib dilkaas toogasho ayaa waxaa ka tabatagay gacanku dhiiglaha Cabdifataax Maxamed Axmed Dabagooye iyadoo isla markiiba isagana uu toogtay Muuse Aadan Carab oo ay galbinayeen nimankaas kor ku xusan. Waxaa kaloo goobjoogahaasi noo sheegay in dilkaasi ahaa mid dadwaynaha ku dhaqan Sararawayne ay isbuucan hadalhayeen loogana digay marxuumiinta arrintaas, balse ay noqotay niman wakhtigoodii xaga ALLE ka dhammaaday.

Mar aannu saaka kula xidhiidhnay khadka telefoonka magaalada Buuhoodle ayaa naloo xaqiijiyay in beesha reer Hagar soo qabteen mid ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii falkan gaystay oo lagu magacaabo Goofadhe Cumar Xaaji Maxamuud  oo ka soo jeeda jifada Reer Colow, halka jifooyinka Maxamed Cigaal iyo Maxamuud Cigaal looga fadhiyo in ay keenaan gacanku dhiiglayaashii kale ee ka qayb qaatay dilkan waxashnimo ee ka dhacay Sararawayne.

Dhinaca kale Waxaa xusid mudan in bishii March ee Sanadkan uu isku day dil la mid ah kan shalay ka dhacay Tuulada Sararawayne uu ka badbaaday Axmed Aadan Saleebaan (Badgal) oo markaa joogay tuulada Badhi fufiye dilkaas oo ka dhicisoobay gacankudhiiglaha shalay  dilay Marxuuum Maxamed Cabdi-giir.

Colaadan Ugubka ah oo ah mid sadex jirsatay una dhexeesa labadan beelood ee wada daga Deegaanka Buuhoodle ayaa lagu guuldareystay in si cadaalad ah lagu soo afjaro taasoo saldhig u ah dilkan aargoosiga ah ee soo noqnoqonaya.

Wixii war ah ee ka soo kordha arrintan kala soco Ceegaag Online.

webmaster@ceegaag.com