shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland oo hakiyay wakhtigi ay Qabsoomi lahayd Doorashooyinka.

 (Hargeysa, September 07,  2009 Ceegaag Online) 

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay inay Go'aansadeen inay hakiyeen wakhtigi Ay qabsoomi lahayd Doorashoyinki Madaxtinimadda maadama bay dheheen aanay Suurtogal ahayn in Doorashadda Madaxtinimadda Maamulka Somaliland la qabto Sept 27, 2009 ,Shirkan ay Guddigu doorashada Maamulka Somaliland ku go'aamiyen Dib u dhaca Doorashooyinka ayaa ay u wada Dhaamayen 7 xubnood ee Gudigaasi ka koobanyahay waxayna soo saareen Go'aamadan:-

1- In laga noqday go’aankii ahaa diwaangelin la’aan in doorashooyinka lagu galo taas oo ay hore u ansixiyeen afar xubnood oo ka mid ah komiishanka doorashooyinka, madaxweynuhuna uu taageeray.

2 -Inaanay Suurtagal ahayn qabashada doorashooyinkii xiligii loo mudeeyey oo ku beegnayd 27 September 2009, iyaga oo sheegay inay ka eegeen dhinacyada Farsamado ee Siyaasada, iyo dhaqaalahaba.

3 -Inay Fursad siiyaan waan-waanta socota ee dib-u-heshiisiinta Xisbiyada Inay ka dhursugaan heshiis ay u dhan yihiin sadexda Xisbi qaran oo lagu mudeeyo xiliga ay doorashadu suurtagal noqon karto iyo qaabka lagu gelayo.

Ugu danbeyntii waxay xubnaha komiishanku ugu baaqeen Xisbiyada, Golayaasha xeer-dejinta iyo Xukuumada in dalka dib loogu soo dabaalo tallo loo wada dhan-yahay iyo dhaqansamaantii dalkeena looga bartay.

Isku soo wadda dubo Guddigu Ma uusan sheegin waqtiga ay doorashadu qabsoomayso laakiin waxay caddeeyeen in muddo kordhin iyo dib u dhigis loo baahan yahay balse arrintani haddi aanay mucaaradku ayidin waxay u muuqata mid Hadda uga sii daro karta Xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Somaliland.

 www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com