shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beelaha Jaamac Siyaad  iyo Dishiishe oo heshiis ku gaaray Degmada Waaciye.

 (D.Waaciye, September 07,  2009 Ceegaag Online) 

Ardaayadda Beelaha Jaamac siyaad (Dhulbahante) iyo Reer Sakariye (Dishiishe) ayaa heshiis maanta ku gaaray Degmadda Waaciye ee Gobolka Karkaar Puntland waxaana Heshiiskani labadda beelood ku saabsanaa Dil ka dhacay Isla degmadda Waaciye oo uu gaystay nin Jaamac siyaad (Dhulbahante) ah waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyinta Dawladda Puntland, Nabadoonadda iyo Cuqaasha labadda beelood ee Jaamac siyaad iyo Dishiishe.

Madasha oo ahayd Goob fagaare ah ayaa Beesha Jaamac siyaad kula wareegtay Ninkeedi Dilka gaystay iyadoo laga jeediyay Goobtaasi Khudbado aad u balaaran waxaana Dadkii ka hadlay halkaasi ka mid ahaa:-

1-Caaqil Col:Xasan Faarax Jaamac(Xasan Geerash)

2-Xildhibaan Axmed Cabdi xabeeb

3-X/dh Cumar Jaamac suleymaan

4-C/laahi Timacade(Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland)

5-C/risaaq Gacayte(Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland).

6-Ugaas xasan Ugaas yaasiin

7-Caaqil Liibaan Cismaan saalax

8-Xaaji xuseen Gacayte

9-Yoonis Cali faarax(Gudoomiyaha Gobolka Karkaar)

HALKAAN KA AKHRISO BAYAANKA HESHIISKA OO DHAMAYSTIRAN:-

 

 www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com