shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

 (Muqdisho, September 05,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa somalia ee Muqdiso Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG ah ee soomaliya Md.Cali Axmed Jaamac Jengeli waxaana uu shirkiisan jaraa'id kaga waramay xaaladaha ka taagan Dalka somalia gaar ahaan Dagaaladda ay kula jiraan xoogaga Islaamiyiinta Mayalka adag ee ka soo horjeeda iyo safarka Madaxweynaha Somalia ku kala bixinayo wadamo farabadan oo ku yaala Khaliijka Carabka.

Ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay Safaradii uu Sh Shariif ku kala bixiyay Dalalka Qadar & Imaaraadka, socdaalada uu dalalkan ku tegay ayuu ku sheegay Jangali Marti qaad rasmiya uu madaxda dalalkan ka helay waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu Sh Shariif kala hadley Madaxda dalalkaasi xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay inuu Madaxdii kale duwaneyd ee uu la kulmey ka codsaday taageero ,Taageeradii uu weydiistey ayuu sheegay Jangeli in laga aqbaley, balse faahfaahin intaa ka dheer kama aanu bixin taageerada iyo nooca ay tahey

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay shirkii Dalka Liibiya Madaxda Afrika ugu soo gebo gaboobay ee uu Sh Shariif iyo wafdi ka socda DKMG ah ka qeyb galeen ,Shirkaas ayuu sheegay arimaha Soomaaliya in aad looga hadley, la islana gaadhey in Ciidamada AMISOM, tiradii horey loo balan qaadey la dhameys tiro, howshoodana wax laga bedelo oo halkii markii hore ka ahaayeen Nabad ilaalin laga dhigo Nabad dhaliyaal.

Jangeli waxa uu dhanka kale ka hadley barnaamijka dibu heshiisiinta ee DKMG ah, waxa uuna sheegay inay jiraan xubno ka tirsan Xisbul Islaam & Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku biirey, sida uu hadalka u dhigay, mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Dowlada, Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu mar walba Al-baabka dibu heshiisiintu waa furan yahey, go’aanka Dowladu guud ahaan gaadheyna waxa weeyaan wada hadalkaasu inuu dalka gudihiisa ka dhaco, inuu u dhaco si furan oo qalbi furan, qeyb Xisbul Islaamka ka mida, horaa loogu guuleystan inay Xukuumada ka mid noqdaan oo ku soo biiraan qeybo Shabaabka ka midi way ku soo biireen waana wax furan mar walba Al-babaabka dibu heshiisiintu inuu mar walba furnaado".

Isku soo wadda duubo Wasiirka Arrimaha Dibadda DKMG ah ee somalia Md.Axmed Jaamac Jangeli ayaa ugu dambeyntii ka hadlay soo gelitaankii Ciidamadda Itoobiya ee ee Gobolka hiiraan halkaasi oo ay saldhig ka samaysteen Magaaladda xarunta ah ee Beledweyne waxaana uu sheegay in uu jiro Heshiis ka dhexeeya iyaga iyo Dawladda itoobiya kaas oo ku aadan in Qolo walba xuduudaha dhineceeda ka adkayso.

 www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com