shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Sanadlaha ahaa ee Wadamadda Xubnaha ka ah UN ka oo ka furmay Magaaladda New York.

(New York,  September 24,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maalintii shalay ahayd Magaaladda Newyork ee Cariga Maraykanka si toosa uga Furmay Shirkii Madaxda wadamadda Xubnaha ka ah Qaramadda Midoobay oo gaaraya 192 wadan oo ku bohoobay ururka Qaramadda Midoobay waana Kalfadhigi 64aad ,Shirkani ayaa ah shir sanadle ah oo ay ka qeyb galaan Madaxweynahayaasha Wadamadda Xubnaha ka ah Qaramadda Midoobibay iyadoo ay halkaasi kaga warbixinayaan xaaladaha maanta ka taagan Dunida sida Dhibaatooyinka Dhaqaalaha,Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga,Hubka Nuclearka iyo Gaajadda ayaa ah Ajandayaasha ugu waaweyn ee Madaxda wadamada Maanta ku shiraya Magaaladda New york ee Xarunta ururka Umadaha Midoobay.

Madaxweynayaal kala duwan ayaa ka hadlay Madasha shirka waxaana ka mida Madaxweynaha Dalka Liibiya Mucamar Al-Qadafi,Madaxweynaha Shiinaha Hu jin tow iyo Madaxweynaha Dalka Iiran Mohamud Ahmedi Najad,Maxamed Mucamar Al-Qadafi Madaxweynaha Dalka liibiya ayaa Khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan Taabanaysa ka jeediyay Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay isagoo ka waramay Dhibaatooyinka Dhaqaale ee ka jira Wadamadda Africa,Ku takrifalka Awooda ee Wadamadda Reer galbeedka iyo Doorka Dowladda Maraykanka.

Muamar Al-Qadaafi Madaxweynaha Liibiya:-

Ingtii uu khudbaynayay Muamar Al-Qadaafi Madaxweynaha Liibiya waxaa uu ka hadlay Awooda Vito ee ay Adeegsadaan Shanta wadan ee ku jira Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay oo kala ah,Maraykanka,Ruushka,France,Britain iyo China isagoona yiri"Wadamadaasi Vittoda Isticmaala waxay iska dhego tirayaan oo dulminayaan 192 ee kale ee ku jira Golaha amaanka,Wadamada oo dhan Axdi ahaan waa simanyihiin wadanku ha yaraado ama ha waynaado sharciga ha la raaco,Codka Vitto ee ay Wadamada qaar isticmaalaan waa Mamnuuc waan cambaaraynayaa mana aqbali doono hadana waxaan leeyahay hala joojiyo codkaasi iyo cida isticmaasha,Wadamo dhan baa danohooda laga hor istigaayaa qaarna Dantooda waa gaarayaan,taasi sharciga iyo axdiga way ka so horjeeda". ayaa uu si xamaasadaysan u yiri Madaxweyne Qadaafi.

Madaxweynaha Dalka Liibiya Muamar Al-Qadaafi ayaa Shirka golaha loo dhanyahay ee 64aad ka hor akhriyay Axdiga iyo Dastuurka Qaramadda Midoobay isagoona Qodob qodob u falanqaynayay wuxuuna Mawduucaasi ku soo afmeeray"Qaramadda Midoobiya Wadamada Africa waxay u isticmaasha hab dhaqan gaar ah iyadoo adeegsanaysa ereyo waxyeeloo u ah African ka sida(Cunaqabayn iyo Argagixiso) laakiin ma eegto Daneheena Amaanka iyo Nabadgelyadda" ayaa uu mar kale Yiri Madaxweyne Qadaafi oo khudbad ka jeedinayay Golaha Madaxda wadamadda Xubnaha ka ah Ururweynaha Umadaha Midoobay.

Madaxweyne Qadafi ayaa ku dheeraaday Hawlaha Qaramada Midoobay iyo Habdhaqanka ay Dunida u isticmaasha marka la eego Danaha wadamadda ugu Awooda badan Dunida oo uu Maraykanku ugu horeeyo wuxuuna Qadaafi mar kale yiri"Uguma yeeri doono Golaha Amaanka waxaan ugu yeeri doona"Golaha Argagixisada" micnaha waxaa loo hanjabaa wadamadda yaryar".

Dhibaatooyinka Africa:-

Madaxweynaha Liibiya Muamar Al-Qadaafi ayaa sidoo kale ka hadlay Dhibaatooyinka ka jira Africa marka la eego Arrimaha Caafimaadka,Horumarka Technologyada iyo sidoo kale sii daynt Jaziiradda Scotland sii daysay Muwaadinkii reer Liibiya Abdel Basset al-Megrahi ee loo haystay Dambigii Diyaaradi Rakaabka siday ee ku Burburtay Magaaladda Lockerbie(Scotland) Sanadkii 1989 kii.

Madaxweyne Qadaafi ayaa sheegay in wadamadi Reer yurub ee Gumaysanayay Africa ay dhibaatooyin badan u gaysteen Africa isla markaasna ay Qaateen wixii khayraad ahaa ee ay lahayd Africa(Raw-Materials) "Wakhtigaasi waa wakhtigii uu bilawmay Kacaankii Warshadaha "Industrial Revolution) oo ay wadamadda Reer yurub hamigoodu ahaa inay Dhul khayraad leh helaan iyagoona kala boobay wadamada Africa,iyadoo u jeedkoodu yahay Helitaanka Waxyaabaha wax soo saarka u noqon kara Warshadohooda sida,Macdanta,Dheemanka,Dahabka iyo waliba Ganacsigii Adoonta oo la daabuli jiray Dadka Africanka ah ee ku nool Mandiqadaani".

Qadaafi ayaa yiri"Awoodihi Gumaysigu waxay Qaateen Hantidi Africa ,waxaana filayaa inay Jiil cusub ku intifaacayaan Khayraadki africa laga daabushay,Waxaan amaanayaa Dowladda Talyaaniga oo wakhtigii ay gumaysaynaysay Liibiya(1920) wax ka qabatay Adeegyadda Asaasiga ah gaar ahaan waxay dhistay Cusbitaaladi Dalkayga,Waa in Gumaystayaashi bixiyaan Lacag magdhaw ah oo africa la siinayo taasi oo dhan $7.77 trillion".

Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha Dalka Liibiya Muamar Al-Qaadafi ayaa Amaanay Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama isagoona sidoo kale ka hadlay Dhibaatooyinka Qulqulka Tahriibta ee Waqooyiga Africa oo wadankiisu Xudunta u yahay Meelaha ay ka tahriibaan Muhaajiriinta Africanka ah ee ku sii jeeda Wadamadda Reer Yurub wuxuuna sheegay inaanay Caal u haynin.

Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao oo ka khudbeeyay Fadhigi Madaxda Qaramadda Midoobay:-

Anigoo eegayna Tayadda Khudbadaha laga jeediyay QM tan iyo intii uu furmay Shirka Madaxda Wadamadda Xubnaha ka ah QM ayaan soo qaadanaynaa Madaxweynayaasha Liibiya iyo Shiinaha oo ka hadlay Dhibaatooyinka Aduunka iyo Horumarka Maanta dunida gaartay si aan u soo gudbino Dhamaanba Tayada Khudbadaha laga jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha Dalka ugu Dadka badan dunida,ugu Dhaqaalaha Sareeya Caalamka ee Shiinaha Hu Jintao ayaa khudbad aad u dheer Maanta oo Khamiis ah isna ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay isagoo ka warbixiyay Heerka Dhaqaalaha Caalamku marayo iyo Horumarka ay dunidu gaartay waxaana uu ku dheeraday Horumarinta iyo Ikhtiraaca Technologyadda Cusub isagoo leh"Waxaanu isleenahay hadaad Dalka China Tihiin waxaad astaan muuqata u tihiin wadamadda Nabada iyo Wanaaga Caalamka jecel,sido kale Dalkaygu wuxuu hami wayn ku hayaa sidii uu u kobcin lahaa Dhaqaalihiisa isla markaasna loo dhawri lahaa Technologyada aduunka oo kor loo qaado taasina waa Astaan ay qeyb ka tahay Shiinuhu ,Waxaan leenahay Horumarintu waa Furaha Dunida gaar ahaan Dhaqaalaha marka la eego waxaan ku boorinayaa Wadamadda Dhaqaale xumida hayso inay kor isu qaadaan oo aanay niyad jabin".

Hujintao ayaa ku dheeraaday Horumarka Dunida iyo Technologyada Casrigan la isticmaalayo isagoo Adeegsanaya Astaankan "Isbedel Horumarineed oo buuxa" wuxuuna yiri mar kale"Nabadda wa in hore loo qaada ,Wadashaqaynta iyo Horumarintuna waa furaha socodsinaya Taasi,Dhismaha Barwaaqadda waa mid ay ku waari karaan Wadamo badan oo dunida saaran waana in wadamadda Ay isku tiirsanadaan oo danohooda Gaar ahaaneed ilaaliyaan iyadoo la eegayo xasiloonada iyo Kor u qaadida Sumcada wadankasta marka la eego xaga dhaqaalaha oo u baahan kabis badan iyadoo la helayo ilihii lagama maarmaarnka u ahaa sida,Macdanti iyo Shidaalki" ayaa uu yiri Hujintao Madaxweynaha Dalka Shiinaha.

Si kastaba ha ahaate Wadanka Shiinaha ayaa ah wadanka kaliya ee Isticmaala Maalgashiga wadamadda Saboolka wuxuuna Wadashaqayn la leeyahay Wadamadda ku yaala Qaaradda africa ee saboolka ah si loo dabargooyo Faqriga wuxuuna ka qaata Saliida cayriin,Shiinaha ayaa labba berri ka hor Malaayiin Dollar ku bixiyay Mashruuc lagula Dagaalamayo Malariyada oo africa Dhibweyn ku haysa mashruucaasi oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Tanzania Jaka Kekwata,Waxaana la filayaa in Kalfadhiga Qaramadda Midoobay ay ka khudbeeyaan Madax aad u farabadan oo Madasha ku sugan.

Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com