shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iskuulkii uu hirgaliyay Maxamuud Maxamed Aadan (Lafoole TWO) oo si rasmi ah waxbarashadii maanta uga bilaabantay.

(Ceegaag,  September 29,  2009 Ceegaag Online)

Dhagayso :CAASH AXMED CUMAR

Waxaa Maanta Magaalada Ceegaag lagu Qabtay Munaasabad balaadhan oo lagu furayay sanad dugsiyeedka Magaalada Ceegaag.  Xafladan oo ka dhacday Dugsiga ay wada dhiseen Maxamuud Maxamed Aadan (Lafoole TWO) iyo Cabdilaahi Hareri ayaa ahay mid aad loo soo agaasimay.

Magaalada Ceegaag oo uu si habsami ah uga socdo Sanad Dugsiyeedka ayaa la filayaa in Iskuulkan maanta La furay uu wax ka qaban doono baahidii balaadhnayd ee ka jirtay Magaalada. Ceegaag ayuun baa lahayd Iskuul ay dhistay Haayada SCERDO iskuulkaa oo dabooli waayay baahidii ardayda dhamaanteed.

Iskuulka maanta waxbarashadu ka bilaabantay ayaa lafilayaa inuu dar dar galin doono saxo-saxada waxbarashada ee magaalada Ceegaag iyada oo magaalada ardaydeedu horay wax ugu baran jiraan waabab ayaa maanta loo dhisay iskuulaad ay u dhamays tiran yihiin dhamaan qalabkii waxbarashada iyo maclimiin tabobaran oo dib looga soo celiyay magaalooyinka Borco, Hargaysa, Garoowe, Gaalkacayo iyo Boosaaso.

Macalimiintaa oo ahaa ku wii deegaanka ayaa hada heli doona mushaharaad sadex jeer ka badan kii ay ku qaadan jireen deegaanada ay hore uga digo regteen deegaankooda.
 
Waxaana Maanta Munaasabadaasi ka Soo Qayb galay dhamaan waxgaradka degmada Ceegaag oo ay ugu horeeyaan Cuqaasha iyo Culumada iyo dhamaan Waalidiinta ardaya dhalay.

Waxaana kaloo kamid ahaa madaxdii maanta Xafladaasi ka hadalay(qadka teleefoonka) Profaysar C/risaaq Lafoole oo kula dardaarmay Waalidiinta Reer Ceegaag inay ka faaiidaystaan dusigaasi maanta loo dhisay Waxaana aad ugu amaanay dadwaynaha Reer Ceegaag sida ay u jecel yihiin waxbarashada waxaana uu sheegay Lafoole inay sii wadi doonaan Sidii loo horumarin lahaa Ceegaag.
 
Waxaana Sidoo kale halkaasi ka hadlay Qaar kamid ah Waalidiinta Reer Ceegaag oo aad ugu farxay dugsigan maanta Xadhiga looga jaray Waxayna balan ku Qaadeen inay ka faaiidaysanaan dugsigooda loo dhisay
 
Xafladaai ayaa maanta ku Soo dhamaaday jawi aad u Wanaagsan waxaana isla markiiba ardayda Reer Ceegaag u dareereen dugsigii maanta Xadhiga looga jaray

Daawo Sawirada

Dhagayso:MAX.MED CAWIL CALI

Dhagayso:AXMED SHAAFI


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com