shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sidee Looga Ciiday Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland+SAWIRO.

(Dhulka Beenyada(Punt),  September 20,  2009 Ceegaag Online)

Maanta waxaa si wayn looga Ciiday Munaasabadda CIIDUL FIDRIGA Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland iyo Guud ahaanba Dunida Islaamka,Ciidkani maanta waxaa laga Ciiday Magalooyinka Bosaso,Qardho,Garowe iyo Gaalkacyo sidoo kale Magaaladda Buuhoodle ayaa iyana Laga Tukaday Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Qardho

Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar ayaa ka mid ahayd Meelaha Maanta sida wayn looga Ciiday,Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha u dhexeeya Kantaroolka iyo Magaaladda Qardho halkaasi oo ay kula hadleen Culuma'udiin iyo Mashaa'ikh caan ka ah Goboladda Puntland uuna ka midyahay Sheikh Daahir Aw-Cabdi iyo Sheikh Fu'aad Maxamuud Xaaji waxayna Labadda sheikh ka kala hadleen Xaaladaha Somalia iyo Sumcadda Maanta Islaamku ka joogo Aduunka.

Sheikh Daahir Aw-Cabdi ayaa ka hadlay Sumacadda uu Islaamku maanta ku leeyahay Dunida isagoo sheegay in Islaamki Maanta hoos loo dhigay Taasna ay kasbadeen Umadda Islaamka wuxuuna Shiikhu tusaale u soo Qaatay Wadamadda,Ciraaq,Afghanistan iyo Somalia isagoo sheegay in Dadkii Islaamka ahaa u adeegayaan Gaallo halka Qaar kalena Dadkii Masaakiinta ahaa ka barakacinayaan Guryohooda isagoo hoosta ka xariiqay in Somalia ay ku socoto Waddo aad u mugdi ah isla markaana Aaafo ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Sidoo kale Sheikh Fu'aad Maxamuud Xaaji oo caan ka ah Goboladda Puntland ayaa isna Goobta ka hadlay isagoo Diiradda Xaalada Saaray Dhibaatooyinka Bulshadda haysa iyo Xumaanta ay Burcad badeedu u soo jiideen"Maanta waad aragtaan Dhibaatadda Jirta wiil xun ah oo Burcad badeed ah oo Reer miyi ah baa xaaraan ku findhicilanaya,Gabar yar oo Maqadaa Ma dhergaan ah buu u yeeranayaa waa kaas,Fasahaad iyo Nacad baa laga dhergay,Maanta anigu hadaan haysto oo kaliya 50-wiil waxaas oo dhan sujuuda ayaan ka tooganlahaa,Diinti Islaamka Sumcadeeda ayay Hoos u dhigeen mana aha Maanta waxaasi wax mudan in Laga Hadlo Ha la is ilaaliyo".

Isku soo wadda Duubo Dadki kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Mayorka Magaaladda Qardho Cismaan Buux cali,Waxaana Dadki isugu Hambalyaynayen CIID MUBAARK.

Boosaaso:-

Munaasabadda CIIDUL FIDRIG ayaa iyana Maanta si wayn looga Tukaday Magaaladda Dekeda ah ee Bosaso halkaasi oo ay isugu soo bexeen Kumanaan Dadweyne Reer Bosaso ah ,Dadka reer boosaaso oo iyaga maanta wejigooda laga dheehan karay farxad iyo reereen ayaa maanta waxa ay si wanaagsan ugu ciideen Gudaha Magaalada boosaaso.

Abaarihi 6:00 Subaxnimo aya waxaa Dhegaha Dadka ku soo dhacayay Takbiirta Ciidul Fidriga, Salaada ciida ayaa maanta waxaa si aan kala har lahayn loogu tukaday Garoonka weyn ee kubada cagta ee magaalada Boosaaso iyadoona ay halkaasi isugu yimadeen dad weyne faro badan masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan kuwaasi oo iyaga indhohooda ay ka muuqato farxada Ciidul Fidriga.

 

Abaarihii saacadu Markey ahayd 7:20 ayaa waxaa si wadajir ah loogu tukaday Garoonka kubada cagta ee magaalada boosaaso salaada kadib ayaa waxaa halkaasi ka Hadley masuuliyiin faro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Garsoorka iyo arimaha diinta DPL Mudane Maxamuud Siciid Maxamed oo isaga munaasabada ciida awgeed dadka reer puntland dhamaantood halbalyo halkaasi uga diray isagoona qiray in maanta oo kale ahmiyada ay u leedahay dadka muslimiinta ah.

Sidoo masuuliyiintii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf iyo Weliba Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso ahna Duqa magaalada Boosaaso C/risaaq xareed Ismaaciil iyagoona Dhamaantood Shacabka Reer puntland ugu Baaqay inay Nabadda ka shaqeeyan Taasi oo ay xuseen inay Ahmiyad Balaaran leedahay,Maadaama bay dheheen Dadku ka warqabaan.

Garowe

Sidoo kale Maanta waxaa Laga Ciiday Magaaladda Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland,Munaasibadda Ciidul-Fidri ayaa lagu Tukaday Garoonka Kubadda cagta ee Mire Awaare halkaasi oo ay isugu soo bexeen Kumanaan Dadweynaha Reer Garowe ah iyadoo ay Ciida Tukashadeeda Dadka kala soo qeybgaleen Masuuliyiinta Xukuumadda Puntland sida Madaxweyne Faroole,M/ku xigeen Gen:C/samad Cali shire iyo Masuuliyiin ka kala tirsan Labadda gole ee Xukuumadda Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa Khudbad Dhinacyo badan Taabanaysa ka jeediyay Madasha Lagu tukanayay Ciidul-Fidriga,Faroole ayaa ugu horayntii ka hadlay Qaabka salaada oo Maanta ay khilaafeen Qaar ka mida Culumadda Diinta ee Puntland ku nool wuxuuna ugu Jawaab celiyay Dadkii aan Maanta tukan "anagu waxaan ku xiran nahay xaramka, hadii laga ciidana waan ciidaynaa ciddii ka soo hortimaadana waxay khilaaftay amarka imaamka Puntland,iimaamka Puntland-na waa aniga".

Waxaa kaloo uu madaxweynuhu ka hadlay Xukuumadda Puntland ee uu Majaraha u hayo waxaana uu sheegay in aysan xukuumadiisu ahayn mid dadka aan u sinayn, kana dhex kaluumaysata,laakiinse ay tahay mid umada si sinaana ugu shaqaysa.

Madaxweynuhu mar uu khudbadiisa ku soo daray arrimaha Burcad badeeda ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan Burcad badeed xeebaha Puntland ku haysata maraakiib caalamka laga leeyahay oo ay saaran dad farabadan oo isugu jira haween iyo rag kuwaas oo Burcad badeedu ay dhibaatooyin ugaystaan gaar ahaana haweenka. Madaxweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan Burcad badeed badan oo ka soo toobad keentay falalka Burcad badeednimada,waxaana uu kuwa hadda ku howlan falalka Burcadnimadaa ugu baaqay in ay isk dhaafaan oo ay ka soo laabtaan wadada qaldan ee ay ku sii socdaan.

Isku soo wadda Duubo Khudbada Madaxweynaha ayaa waxaa uu Gabagabadi kaga hadlay Dhibaatooyinka Ka taagan Koonfurta Somali Maanta waxaana uu Madaxweyne Faroole u duceeyay Dadka shacabka ee aan xabadda loogu Meel dayayn isla markaasna waxaa uu ku baaqay in Nabadda la qaato.

Sidoo Kale waxaa Makroofanka lagu soo Dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire oo ugu horayntii isagu Baaq nabadeed u diray Shacabka reer puntland,wuxuuna M/ku xigeenku Dadka reer Puntland u sheegay inay Wanaagooda Ilaaliyaan oo aanay ku dayan waxa Koonfur ka socda Maanta.

Si kastaba ha ahaate iyana waxaa Salaada Ciida Maanta laga Tukaday Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Buuhoodle halkaasi oo ay Dadweyne Farobadani isugu soo bexeen Fagaarayaasha waaweyn ee loogu Talogalay in lagu Tukado Ciidka.
 
Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online


 

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com