shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Somalilanoow  nabada duli iyo dacas ugu hoos jira

(Hargaysa,  September 12,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa isasootaraya hagardaamada lagu hayo shacabka reer Somaliland oo in badan usoo dhul jiifteeyay inay helaan maamul iyo nidaam ay ku gaadhaan himiladooda ay hiigsanayaan hadii ay ahaan lahayd inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale iyo hadii aydoonaan inay si siman ula gorgortamaan Soomaalida reer Koofureedka.

Waxaa cadaatay inaan wax doorasho la yidhaahdo aysan ka qabsoomaynin Somaliland,

Waxaa cadaatay inay dadgaar ahi ku takri falayaan sumcadii iyo hantidii ka dhaxaysay reer Somaliland.

Waxaa cadaatay in dalka lagu soo daabulayo OROMO oo dadka iyo dalkaba  la doonayo in la dhaxal wareejiyo.

Waxaa cadaatay inaysan jirin mucaarad dalka iyo dadkaba dan u wada oo ka hor jeeda Xukuumada labada iyo badhka sano sida sharcidarada ah uga talinasa Somaliland.

Waxaa cadaatay in lagu fashilmay cadaalad daradii lagu malmaluuqay Golaha Shacabka.

Waxaa maasha ka baxay Golihii Guurtida (Siyaasadoobay) oo si badheedha u diiday in lakala diro balse iskuba badalay Gole Sare oo Baarlamaan iyaga oo meesha ka saaray in ay doorasho u istaagaan.

Waxaa meesha soogalay anigaa ka taliya Hargaysa ee madigoo reer -------- ayaad iigu talin Hargaysa, ARINTAN OO LAGA YAABO INAY MIJO XAABISO CAASIMADNIMADA Haragaysa.

Iskusoo wada duuboo waxaa si toos ah loogu noqday in mar labaad la adeegsado qumaca qoryaha lana xalaalaysto dhiiga reer Somaliland. Balaayo intay kaa maqan tahay qayrkaa ayay ku maqan tahay waxaan ugu baaqanaa reer Somaliland inay nabada duli iyo dacas-kastaba ugu hoos jiraan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com