shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladaha Reer Galbeedka oo Wadda hindisayaal Cusub oo lagula dagaalamayo Burcad badeedda.

           (Somalia, September 02,  2009 Ceegaag Online)   

Maraykanka iyo Midawga yurub ayaa aad ula tacaalaya la dagaanka Burcad badeedda somalida oo faraha looga gubtay isla markaana maraakiibta iyo Doonyaha shisheeye ka qafaasha xeebaha ku teedsan Badweynta Hindiya iyo Badda cas maanta ayaa waaxda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Maraykanku soo saartay warmurtiyeed ay kaga warbixinayso hindise cusub oo lagu balaarinayo Hawgalka la dagaalanka Burcad badeeda somalida iyadoo hindisaha Cusubi muujinayo in la balaariyo iskaashiga ku aadan hawlgalka lagu hakinayo weeraradda Burcad badeedda somalida ee laga cabsi qabo inay sii kordhaan maalmaha soo socda maadama uu dhamaaday xilli dabayleedki Maansoon oo sameeyay bilihi xagaaga weeraradi Burcad badeedda somalida.

Americanka ayaa kula heshiiyay Dawlada Kenya inay ku wareejiyaan Burcad badeedda ay soo qabtaan ciidamadda Mariiniska Dowladda mareykanka ee qeybta ka ah la dagaalanka Burcad badeedda waxaana Balaarinta hawlgalka la dagaalanka Burcad badeeda maraykanka noqonaysaa mid wax ku soo biirisa Ciidamo iyo Maraakiib shisheeye oo hoganaya Xeebaha Somalia ,Hindisaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay si buuxda ciidamada Mariniska Mareykanka ee la dagaalanka burcad badeedda ay ula shaqeyn doonaan Mariiniska Caalamiga ah ee qeybta ka ah la dagaalanka burcad badeedda gaar ahaa ciidamda Mariiniska Midowga Yurub ee howlgalka loogu magacdaray Atlanta Operation ka wada badaha Soomaaliya waxaana mariiniska Maraykanku ku soo biireen Hawlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ansixintii qaraarkii QM ee tirsigiisu ahaa 1851.

Sidoo kale Mariiniska midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inay diyaaradaha shidaalka qaada u dirayaan dalka Jaziiradda Siishalis si ay uga qryb noqdaan howlgalka lagula dagaalamayo Burcad badeedda Somalida oo laga cabsi qabo inay gaaraan xeebaha Jaziiradaasi oo ay sidoo kale ka jiraan dhaqdhqaaqyo ay burcad badeed aan Soomaaliya aheyn ka wadaan.

War murtiyeedkan ay soo saaren Mariniska Midowga Yurub ee qeybta ka ah howlgalka Atlanta operation ee lagula dagaalamayo burcad badeedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 2 diyaaradood oo nuuca shidaalka qaado ah la geynayo badda Mahe, ee jaziiradda Sishalis si ay ula shaqeeyaan maraakiibta ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka shufto badeedka ee halkaasi ka howlgasha.
Diyaaradaha oo nuucooda lagu sheegay The Swearingam Merlin 3 oo ah kuwa shidaalka qaada ayaa ka qeyb qaadaneysa howlgalka Atlanta Operation ee ay mariniska midowga yurub ku baacsanayaanburcad badeedda Somalida. Waxaana lagu wadaa in ay soo gaaraan badaha Jaziiradda Sishalis.

Diyaaradaha ayaa waxaa ku xiran aalado wax sawiro oo si toos ah ugu duwa Raadaarka isla markaana awood u leh inay burcad badeedda sawiro ka qaadan xilliyada habeenkii ah iyo maalintii waxayna ku duuli karaan xawaare aad u sareeya iyagoo duulimaad sameyn karo 3-4 saacadood oo xiriir ah, waxaana la saari doonaa quburo dhanka Farsamada Casriga ah ku xeel dheer oo si weyn uga shaqeyn doono soo gudbinta xogta dhabta ah ee dhaqdhaqaaqyada burcad badeedda ay sameynayaan.

Dhanka kale Dawladda wadanka Finland ayaa ka baaraandegaysa qorshe ay ciidaamo iyo Maraakiib dagaal ugu soo dirilahaayen Xeebaha somalia ,Qorshaha ciidamada dowladda Finland loogu soo biirinayo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Mariniska Midowga Yurub Atlanta Operation ayaa ka mid noqon doona Hindisaha dawladaha Reer Galbeedku ugu jiraan La dagaalanka Burcad badeedda Somalida.

Isku soo wadda xooriyo xeebaha Dalka somalia ayaa waxaa tuban in ka badan 100 maraakiibta Dagaalka ah oo la sheegay inay Burcad badeeda ka waardiyaynayaan Maraakiibta Shixnadaha sida ee isaga kala gooshaya Badweynta Caalamka , waxaase xusid mudan in maraakiibtaa shisheeyaha ah ee jooga xeebaha somalia dhibaatoyin ba'an ku hayaan Dadka degan Agaagaarka xeebaha sida Kaluumaysatada iyo iyagoo Ugaarta duurjoogta ah meelaha qaarkood diyaarado kaga daabusha.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com