shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Deeq Ciidul-Fidri ah oo la gaarsiiyay Naafadda ku Dhaqan Magaaladda Qardho.

(Qardho,  September 20,  2009 Ceegaag Online)

Golaha Qurba joogta ee Shaaribo ayaa Lacag sakaatul fidri ah soo gaarsiiyay Naafadda ku Nool Magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ee Maamul G. Puntland,Deeqdan ayaa waxaa la soo marsiiyay oo Qeybiyay Ururka SBDO (Somali Body Disable Organization) ahna Ururka Naafadda Gobolka Karkaar waxaana Deeqdaasi ahayd Lacag Zakaatul Fidri ah iyadoo Dadka Naafadda ah loogu geynayay Guryohooda halka Kuwa kalena loogu Qeybiyay Dugsiga Naafadda ee Magaaladda Qardho.

Deeqdan Ciidul-Fidriga ah ee la soo gaarsiiyay Naafadda ayaa waxaa Gudoonsiinayay Dadka Naafadda ah ee aan shaqayn karin ee ku nool Magaaladda Qardho Gudoomiyaha Ururka Naafadda Gobolka Karkaar Cali Cabdi Aadan(Cali Laangare) ,Dadka la gaarsiiyay Deeqdan ayaa gaarayay Ku dhawaad 200 oo Qof oo naafo ah kuwaasi oo Qeybtood Daryeel Waxbarasho ka heli jiray Xarunta Ururka Naafadda ee SBDO.

Cali Cabdi Aadan(Cali Laangare) ayaa iiga waramay sida ay Deeqdan u qeybiyeen iyo Cida ay ka heleen"BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM ,Runtii waxaan aad ugu Mahadcelinaynaa Golaha Shaaribo ee Deeqdan Lacageed noogu soo dhiibay Dadka Naafadda ah ee Dhibaataysan oo walaalohood a,Waxaan siinay Dadka Raashin gaar ahaan Bariis anagoo sido kale ugu Darnay lacag oo qeybtood lacag ahaan u siinay si ay ugu Ciidaan,Dad aan so kici karin oo Dugsiga Naafadda aan imaankarin ayaa jira kuwaasna Guryohooda ayaan ugu tagnay,waxaan ilaahay idiinka rajaynaynaa inuu Ajar iyo Xasanaad idinka Siiyo".

Isku soo wadda Duubo Zakaatul fidrigaan ayaa ku soo aadaysa xili Umadda Muslimiinta Meelkasta oo ay joogan u diyaargaroobeen Ciidul-Fidrigi ayna Bixinayaan Zakaatul Fidrigii ilaahay ku faralyeelay Muslimiintiisa.

Daawo Sawiradda


 

webmaster@ceegaag.com