shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta Somalia iyo Dilkii Saalax Nabhan.     

(Somalia,  September 15,  2009 Ceegaag Online)

Shalay Galab Ayaa duqayni ka dhacday Deegaan ka tirsan Magaala Xeebeedka Baraawe ee Gobolka Sh/hoose,Waxaana Duqayntaani Gaystay Ciidamada Khaaska ee Dowlada Maraykanka oo wata Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyagoo la beegsaday Gaari uu la socday nin ay waqti badan raadinayey ,laguna eedeeyey in uu ka danbeeyey qaraxyo badan oo ka dhacay Geeska Africa sida ay cadeeyeen Goobjoogayaal iyo Maraykankuba.

Saleh Ali Saleh Nabhan, wuxuu ka mid yahay 3 nin oo Mareykanku ku doodayeen inay ka mid yihiin shabakada uu horseedaha u yahay Osama Bin Ladin ee Al-Qaacida, waxaana lagu tirayaa ragaasi inay weeraro ka dhan ah danaha Mareykanka ka fuliyeen Geeska Afrika, gaar ahaan weeraradii xooganaa ee lagu qaaday sanadkii 1998-kii Safaaradaha Mareykanka ee magaalooyinka Nairobi iyo Darasalam ee dalalka Kenya iyo Tanzaniya.

Salax Ali Nabhan, Cabdalla Suudaani iyo Fazul Cabdalla waxaa sidoo kale lagu tirayaa inay ahaayeen wakiilada shabakada Al-Qaacida ee Bariga Afrika, ku sugnaanshahooda wadanka Soomaaliya waxaa Mareykanku uu ku celcelinayey mudo aad u fara badan, waxaana uu ku doodayey inay ragaasi gabaad ka heleen wax Mareykanku uu ugu yeeray xubno ka mid ah Islaamiyiinta Soomaaliya oo shafka u garaacay ragaasi sida ay ku doodayaan ilaha sirdoonka reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Saalax Cali Nabhan dhimashadiisu ma ahan mid toos loo cadeyn karo, ama la isku haleyn karo sugnaanshaha wararkaasi, waayo mudo sii horeysay ilo wareedka Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Kenya ee ay gacan saarka leeyihiin waxay ku doodeen in la dilay ama la qabtey Itfiiminta Geerida Salax Cali Nabhan ma aha mid lagu xaqiijin Karo Duqayntii Shalay ka dhacday Gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta Somalia waxaana Jira Mugdi badan oo ku jira Geeridiisa.

Inkastoo Ninkani la sheegay inuu yahay Madaxa Al-Qaacida ee Geeska Africa ayaa hadana sarkaal u hadlay gaashaadhiga maraykanku sheegay " Waanu rumaynahay in uu dhintay Nabhan maydkiisiina hada anagaa gacanta ku hayna",Marka taasi laga soo tago Sirdoonka Wadamadda Kenya iyo Maraykanka ayaa sheegay Bishii May-2007 inay Qabteen Saalax Cali Nabhaani isagoo ka baxsanayay Ciidamadda Biliiska oo soo weeraray Guri uu ku jiray Magaaladda Xeebta ah ee Mombasa,Si qoto dheer marka loo Eego sheegashadaasi waxay ahayd isagoo Badbaaday waxaana uu la cararay Computer Laptop ah oo uu sitay kaasi oo la aaminsanyahay inay ugu Kaydsanayeen Macluumad badan oo Khuseeya Islaamiyiinta Al-Qaacida ee Geeska Africa.

Maraykanka oo Sheegtay Dilka Nabhani:-

Tvga ABC News ayaa Maanta shaaciyay in Maraykanku Gaystay Duqayntii Shalay ka dhacday Koonfurta Somalia iyagoo soo xiganaya Sarkaal ka tirsan Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ,TV-ga ABC News ayaa intaas ku daray in ninka ay Ciidamada Kumaandoosta Mareykanka dileen uu yahay Saleh Ali Nabhan oo Kenya u dhashay.

Dhanka kale Ilo wareedyo kale ayaa u sheegay TV-ga ABC News in Diyaarad Helicopter ah oo uu Mareykanka leeyahay ay rasaaseysay kolonyo gaadiid ah oo waday dad la tuhunsan yahay in ay Al-Qaacidda ka tirsan yihiin. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo u dhawaa halka howlgalka ka dhacay uu xaaladda si hoose ula socday, isla markaana uu bixinayay wixii caawimaad howlgal ah ee looga baahdo Hawlgalkan la sheegay in Shalay lagu Najaxay.

Muxuu ahaa Saalax cali Nabhaan?.

Saalax wuxuu ku dhashay magaalada Mombasa ee wadanka Kenya, wuxuu dhashay 4-tii bishii April sanadkii 1979-kii,waxaana waxbarashada qur’aanka iyo tan kale ee caadiga ah ku soo qaatey magaalada Mombasa.

Wuxuu guursadey haween lagu magacaabo Fatuma, waxaana nolol wanaagsan uu kula noolaa Fatuma qoyskiisa ,Dadka yaqaan Saalax waxay sheegeen in uu ahaa nin afgaaban, waxaana yaraantiisii uu jeclaa in uu dhageysto wacdiyada ka socda Masaajidyada magaalada Mombasa, isagoo sidoo kale mar kasta ka hadli jiray jacaylka iyo himada uu u hayo jihaadka.

Saalax waxaa la sheegay in sanadihii sagaashameeyadii ay ku biday laydha Islaamiyiinta mayalka adag, waxaana uu ku xirnaa kooxo si qarsoodi ah u kulmi jirey oo had iyo goor ka hadli jirey dagaalka iyo foolxumada Mareykanka iyo saaxiibadiis ku hayaan dadka Islaamka ah.

Kenya iyo Maraykanka:-

Sida lagu daabacay boga Internet-ka ee ciidamada Booliiska wadanka Kenya wuxuu Saalax adeegsan jirey da’a, magacyo iyo muuqaalo kala duwan, waxaa xitaa jirtey in loo haysto in uu dhashay sanadkii 1968-dii, wuxuu adeegsan jirey magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Swaleh Ali Swaleh Nabhan, Saleh Nabhan, Saleh Ali Nabhan, Swaleh Ali Nabhan, Swaleh Nabhan, Ali Swaleh, Ali Saleh, Ali Nabhan, Said Hassan Hajj.

Sidoo kale Pageka Internet-ka ee laanta sirdoonka Mareykanka ee FPI-da waxaa ku jirta baafin lagu doonayo in lagu soo qabto Saalax Cali Nabhan ama lagu soo gudbiyo xogta ku aadan ninkaasi, iyadoo web site-ka FBI-da ay ka muuqdaan sawirada 3 nooc oo lagu sheegay in uu Saalax adeegsado qaab ahaan, waxana da’da FBI-da u diiwan gashan ay tahay in uu dhashay sanadkii 1974-tii.

Dawladaha Kenya iyo Maraykanka iyaa si aada u raadin jiray Helitaanka Salah Nabhaani iyadoo uu jiray Dabagal balaaran oo ay wadeen Laamaha Sirdoonka Kenya iyo Maraykanka oo ku aadanaa Soo qabashadda Ninkani Islaamiga ah ee Mayalka adag.

Islaamiyiinta iyo Somalia:-

Maraykanka iyo Dawladaha kale ee reer Galbeedka ayaa shaki wayn ka qaba Xaalada Somalia marka la eego Habdhaqanka Kooxaha Islaamiga Asal raaca ah ee sii kobcaya taasi oo uu Maraykanku u barbardhigay Saadaal kala Duwan,Tusaale: Markii maraykanku sheegay sanadkii 2007 inuu Nabhaan qabtay ayaa uu Cajalad Muuqaal ah ku faafiyay Boga Internetka Ninkani isagoo sheegaya inuu Joogo Somalia.Nabhani Cajaladiisa Muuqaalka ah ee uu ku muujinayay Joogitaankiisa Soamlia wuxuu ugu Baaqay Wadamadda kale ee Islaamka ah inay ka qaybgalaan Jihaadka Somalia.

Dawladihi Somalia laga soo dhisay Intii Burburka ahayd ayaa ku Andacoonaya inay Somalia farakulul ku hayaan Kooxaha Al-Qaacida oo Martigelin ka helaya Ururka Al-Shabaab taasi oo Xoojisay Dareenka Dawladaha Shakiga ka Qaba Argagixisada ,Somalia waxaa lagu Dilay Dad cadaan ah intii ay socdeen Dagaaladda u dhexeeyay Dawladda KMG ah ee somalia iyo Xoogaga Mayalka adag ee Isbahaysiga Daladeed ku midoobay(Al-Shabaab iyo Hizbul Islaam).

Ururadda Al-Shabaab iyo Hizbul Islaam ayaa ka soo horjeeda Dawladda KMG ah ee somalia iyagoo ku baaqay inta Lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaanka Jihaad ka dhan ah Waxay ugu yeereen Murtadiinta iyo Gaaladda taasi oo Marka si saxa loo cuskanayo Diinta Islaamka ah Sharci Jihaadka ku banaan,Hase yeeshe Ma Jihaad xaqa Bay wadaan Islaamiyiinta Somalia?.

Aasaaska iyo Unkamida Islaamiyiinta Somalia waxay si weyn u dhalatay Dabayaaqadi Sanadkii 2005 wakhtigaasi oo ku beegnayd markii Maraykanku Dagaal oogayaasha Somalia(Qabqablayaal) kula heshiiyay inay Cagta Mariyaan Xarun Islaami ah oo ku taala Koonfurta Muqdisho halkaasi oo ay Ka talinayen Wadaado uu ugu horeeyo Sheikh Xasan Daahir Aways.Taasi waxay Salbalaarisay Kacdoon Islaami ah oo La wareega Magaaladda Muqdisho Bilawgii Bishii June Sanadkii 2006 Markaasi oo ay ka takhaluseen Qabqablayaashi Dagaalki Somalia waxayna la soo bexeen Magaca Maxaakimta Islaamiga ah.

Si kastoy ahaataba Islaamiyinta Somalia waxaa Buunbuuniyay Ayaan Dhihi karnaa Weeraradda Maraykanka iyo Gacansaarki uu la yeeshay Qabqablayaashi Somalia taasi oo maanta ka dhigtay Al-Shabaab Awood buuxda oo ka muuqata Somalia,Waxayna ka taliyaan Badi Bartamaha iyo Koonfurta Somalia somalia,Halka Dawladda Taagta daran ee Reer Galbeedku Taageero wali la daala Dhacayso Ciribtirka Islaamiyinta Somalia(Alshabaab iyo Hizbul Islaam) ,Hadaba Somalia ma waxay Bedelaysaa Ciraaq iyo Afghanistaan ileen kama Faaruqno Sacabtun iyo Gacan saar Shisheeye?.

Abdirashid Mohamed Dahir- Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com