shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM arrimaha Somalia Axmedu Walad Abdalla oo Tegay Magaaladda Garowe. 

(Garoowe,  September 12,  2009 Ceegaag Online)

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM arrimaha Somalia Axmedu walad Abdalla ayaa Maanta ka soo degay Gagiga Dayuuradaha ee Kanoco Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Puntland.

Axmedu Walad Abdalla Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Arrimaha Somalia ayaa Waxaa loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Garowe halkaasi oo uu kulan kula leeyahay Madaxweyne Faroole iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda.

Walad Abdalla oo markii uu ka soo degay Airporka Magaaladda Garowe hadal kooban siiyay Saxaafadda ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay Nabadda iyo Horumarka ka jira Goboladda Puntland isagoo sheegay inuu la kulmay wax uusan filayn,Intaasi ka dib shir gaara ayaa uu la galay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole mana cada ilaa iyo Hadda waxa ay ka wada hadleen waxaana la filayaa inay Caawa soo saaran Warsaxaafadeed Wada jira.

Socdaalkii Walad Abdalla ee Somaliland:-

Axmedu walad Abdalla intii uusan soo gaarin Magaaladda Garowe wuxuu ka soo ambabaxay Magaaladda Hargeysa halkaasi oo uu u joogay Xalinta Khilaafaadyadda Siyaasadeed ee Hareeyay Gobolkaasi hadaba Markii uu maanta yimid Garowe ayaa uu wuxuu kulan saxaafadeed u Qabtay Golaha wasiiradda Puntland wuxuuna ka war bixiyay Safarkiiso somaliland isagoo carabaabay inuu ku guuldaraystay Safarkiisi Hargeysa isla markaasna uu isaga soo huleelay.

 

Wakiilka QM wuxuu sheegay in ay Somaliland umuuqato meel ka tagaysay nabadgalyadii, isla markaasna hoos usii dhigaysay nabadgalyadii looga bartay, isagoo sheegay in aysan rajo dhaw Qaramada Midowbay ka laheyn in ay soo dhamaadaan rabshadaha Somaliland.

Danjire Axmed wuxuu warkan ka sheegay mar uu la hadlayay Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Golaha Wasiirada, isagoo soo qaatay maah-maah Soomaaliyeed oo dhaheysa ama oraneysa (DHARIGII FARA BATAA, WUU FUUD QARAAREEYAA), taasoo ula jeeday in ay Somaliland ku bateen Siyaasiintii, ila markaasna aysan waxba maqleyn oo ay arkayaan oo kaliya danahooda gaarka ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa uu ku sifeeyay sii badashadda Siyaasiyiinta Somalida mid aan Suurtogal ahayn hogaamin kartana Qalalaaso iyo Fowdo waa Sida uu hadalka u dhigay isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay Xaaladda ka taagan Somaliland.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com