shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobkii Dayrta oo Si teel-teel ah uga Curtay Meelo ka mida Deegaano Hoos Yimaadda Gobolka Sool.
 

(G.Sool,  September 18,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo mudooyinkii u danbeeyey ay abaaro ba’an ka jireen guud ahaan Goboladda  SSC  ayaa waxaa iminka meelo ka mid ah Gobolka Sool ka curtay roobabkii dayrta oo sida eebe looga bartay da’a xiligan oo kale.

Deegaanada ay roobabku ka curteen  oo ka mid ah Bariga iyo Koonfurta Gobolka Sool ayaa meelaha roobabkani heleen waxaa kamid ah deegaanada baadiyaha ah ee u dhexeeya Dhumay iyo kala Baydh  iyo weliba deegaanada kasoo xiga dhinaca koonfureed ,halka  Magaalada kala Baydh  berkedaha dhinaca koonfurta xiga  uu geliyey roobkaasi biyo dhan salaam salan(Jaranjaradda Berkeda)  iyo laba labo salaan.

Sidoo kale waxaa roobabkani ka curteen deeggano hoos yimaaada  Degmada boocame ee Gobolka Sool  kuwaasoo u soo jooga  magaalada boocame meel u jirta hilaadii 20km  sida deeganada  loo yaqaano birta dheer  ama dulkaqooq oo ku teedsan Bariga Gobolka Sool.

Roobabkan ayaa ah kuwo aad loogu diirsaday balse aan ahayn kuwo mahiigaan ah sidoo kalena  Deegaanadaasi ayaa ahaa kuwo aaney ka Di'in  roobabakii u danbeeyey ee Gu'ga islamarkaana ay baaro ba'ani ka taagnaayeen Bilihii ugu Dambeeyay.Roobabkan oo bilow ah ayaan ahayn kuwo  bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ka  dabooli kara baahidii xaaluf iyo biyo la'aaneed ee ka taagneyd , hase ahaatee waxay yihiin roobabkani kuwo  ku soo aadey xiligii roobabka deyrta sida Eebe looga baratay Xiliyadan oo kaleeto.

Si kastaba ha ahaatee  hilaaca Dayrta ayaa  habeenimo u badan    waxaana  la filayaa in roobab Mahiigaan ahi ay qof walba meeshiisa ku helaan iyadoo dadka reer Guuraaga ah oo xiligan aad u jilicsan laga dareemayo shucuurtooda Naruuro ay ku naloonayaan roobabkan curtay xiligan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com