shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaharaadyo Rabshado wata oo Maanta ka dhacay Magaaladda Hargeysa+Sawiro.

(Hargaysa,  September 12,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta ka dhacay Magaaladda Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland Mudaharaadyo Balaaran oo rabshado wata Kuwaasi oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac ka dib markii Booliiska Hargeysa Rasaas Ooda kaga qaadeen Kumanaan Dadweyne Caraysan oo soo hor istaagay Afaafka hore ee Xarunta Wakiiladda magaaladda Hargeysa,Waxaana la sheegay inay Dadku ka mudaharaadayeen Talaabadi Ciidamadda Booliisku ku xireen Fadhigi Golaha Baarlamaanka Maamulka S/land iyadoo saakana Gudaha Aqalka Baarlamaanka loo ogaaladay oo kaliya Shirgudoonka waxaana Banaanka la tubay Xildhibaanadi.

Isku socodkii Gaadiidka iyo dadweynaha ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay inta badan meheradihii Ganacsigana albaabada ayaa loo laabay ka dib markii banana-baxyo rabshado watay ay hadheeyeen magaalada Hargeysa , Ka dib markii saaka Xukuumadu u diiday Golaha Wakiilada Somaliland inay galaan golahoodii, oo albaabada loo xidhay maalintii Salaasadii ee todobaadkii la soo dhaafay.

Banaan baxayaasha ayaa marba marka ka dambaysa sii badanaya waxaana illaa imika la xaqiijiyay inay ku dhinteen 4 qof oo Rayid ahi, kuwaasi oo mid ka mid ahi uu ku dhintay cisbitaalka guud ee Hargeysa. Sidoo kale 3qof ayaa iyaguna ku dhaawacmay banaan baxaasi , Hase ahaate warar Madaxbanaan oo Hargeysa Naga soo gaaraya ayaa Tibaaxaya in Dhaawuxu intaasi ka badanyahay.

Shabakadda Ceegaag Online ayaa Khadka Tellka kula xiriirtay Hoodo Axmed Khayr oo ku sugan Magaaladda Hargeysa waxayna noo sheegtay in Xaalada Magaaladu aad u kacsantahay walaw Gelinkii Dambe shucuurtu Degtay sida ay sheegtay Hoodo waxaa Magaaladda Gaafwareegaya Ciidamadda Biliiska ee Somaliland.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay inuu ka xunyahay Dhimashadda Shacbiga geeriyooday isla markaasna wax Hadal taagan aanay ahayn in Gacan loo bedelo isagoo Rabshadihi Hargeysa ka dhacay ku eedeyay Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

Daawo Dhaawaca ku yimid Bilicdii Hargaysa

webmaster@ceegaag.com