shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisulwasaare Sharmaarke oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacabka Soomaaliyeed.

(Muqdisho,  September 20,  2009 Ceegaag Online)

War laga soo saaray Xafiiska Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu sheegay in Mudane:Cumar C/rashiid Cali sharmaarke Maanta oo Axada-20/09/2009 kuna Beegan wakhtiga ay Muslimiinta Dunida u Dabaal degaan Munaasibadda Ciidul -Fidriga uu Hambalyo U dirayo Shacabka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan waxaana Ra'iisulwasaaraha ku booriyay Soomaalidu Dal iyo Dibadba ha joogaan inay Is cafiyaan.

Warsaxafadeedkani ka soo baxay Xafiiska Ra'isulwasaaraha DKMG ah ee Somalia oo Nuqul ka mida la soo Gaarsiiyay Shabakadan ayaa waxaa uu Ra'isulwasaaruhu ku yiri "Anigoo ka faa’iideysanaya bilashada bisha Barakeysan ee Ciidul Fitriga waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibedda leeyahay "Ciid Mubaarik".

Sidoo kale, R/wasaaraha ayaa sheegay in isaga oo ka faa’iideysanaya munaasabadan qaaliga ah uu shacabka ugu baaqayo inay nabadda qaataan hubkana iska dhigaan "Shacabka waxaan leeyahay is cafiya adinkoo ka faa’iideysanaya Ciida sharafta badan" ayuu mar kale yiri.

Gabagabadi Warsaxafadeedka ka soo Baxay Xafiiska Ra'iisulwasaare Sharmaarke ayaa waxaa uu ku sheegay Mudane:Sharmaarke in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladiisu Hubka dhigaan isla Markaasna u turan Dadka Masaakiinta ah ee Tabaalaysan.

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com