shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adaha Samafalka ee ka hawlgala Puntland oo bilaabay hawlo biyo dhaamin ah.

   (Qardho, September 02,  2009 Ceegaag Online)  

Hay'adaha Samafalka ee ka hawlgala Deegaanadda Puntland ayaa bilaabay hawlo biyo loogu dhaaminayo dadka haraadan ee Abaartu saameynta ku yeelatay waxaana Hawshan biyo dhaaminta ah laga fuliyay Goboladda,Karkaar,Nugaal iyo Sanaag iyadoo biyo dhaaminta ay fulinayeen Ha'adaha Muslim Aid iyo Barnaamijka QM u qaabilsan isku dubaridka hawlaha Bani'aadanimo ee OCHA waxaana ay ku ha'adahan Deegaanadaasi tuulo kasta ugu deeqeen 500 oo barmiil oo biyo ah waxaana Goobaha laga dhaamiyay dhamaantood ka tirsanayen Goboladda Karkaar,sanaag iyo Nugaal ee Maamulka Puntland.

Shabakadda Ceegaag Online oo ku wehelisay Safarka Shaqaalaha Hay'adaha Samafalka ayaa intii aan jidka maraynay waxaaan ku aragnay Dhul engegay oo ay ciida xagaagu ka kacayso waxaana meelaha qaarkood kaaga muuqanaya xoolo aad u daalan sidii ay u eryoonayen xooga caysh ah oo ay gasiintaan waxaana Ceelbiyooyadada Deegaanada qaarkood ku arkaysaa xoolo haraadan oo biyo loo dhaaminayo halka xoolaha qaarkood caato la soo kici waayen iyadoo Booyadaha Biyaha Qaada gaarsiinayen qoysaska aan xoolohodu soo gaari karin Ceelasha meelaha Biyaha la gaarsiiyay.

Socodkii aan isaga kala gooshaynay Deegaanadasi ayaa sidoo kale waxaan ku aragnay xoolo ku bakhtiyay wadada Dhineceda sida idiin muuqata iyo kuwo caato awgeed dadku dabajoogaan oo loo jafayo Qobco iyo caleemo ay gasiintaan waxaana abaartu tahay mid dhulka oo idil ku baahday marka la eego dhulkii xoolo daaqsinta ku haboona oo aad u angagay taasina waxay muujinaysaa sida dadka reer Guuraaga ah ugu baahanyihiin Gargaar Biyood oo xoolohooda iyo iyagaba la soo gaarsiiyo.

Marka Biyaha la geeyo bartilmaameedyadda loogu talogalay waxaa biyaha ay sidaan Booyaduhu loo kala qaybinayay Xoolaha haraadan iyo Dadka iyadoo meelaha qaarkood aanay lahayn ceel biyoodo ku filan Dadka oo noloshooda kaafiyi kara taasina ay uga fursanwaysay inay gacanta u hoobtaan xoogaga Biyaha ah ee ay soo gaarsiiyen Ha'adaha Samafalku.

Abdirashid Mohamed Dahir

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com