shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulki Ka arriminayay Kismaayo oo ku biiray Al-shabaab.
 

(Kismaayo,  September 23,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose Koonfurta Fog ee Somalia ayaa Muddo ka badan 9 bilood waxaa ka arriminayay Maamul Islaami ah oo u kala Qeybsan Ururada Dagaalka ka wada Somalia ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam ,Maamulkaasi ayaa intii uu hayay Taladda Magaaladda Kismaayo wuxuu wax badan ka qabtay Xaaladihi Amaan darro ee ka jiray Magaaladda iyadoo Magaaladda uu horay uga Talin jiray Maamul Qabaa'il ka koobnaa uu hogaamin jiray Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) .

Hadaba waxaa Maanta si rasmi ah u shaaciyay in Maamulkaasi oo ka tirsan yahay ururka Al-shabaab Afhayeenka Maamulkii Islaamiga ahaa ee Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub cali wuxuuna isagoo u waramay Shabakadda Aljazeera Sheegay in Go’aanka ku biiritaanka uu yahay mid dhaqan galay Galabnimadii Talaadada 03 Shawal 1430H oo ku beegnayd 22 September 2009, wuxuuna tilmaamay in Maamulka Kismaayo uu yahay wixii hadda ka danbeeya mid ka mid ah Wilaayadaha Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin waxayna ku Shaqeynaysaa buu yiri Talooyinka Xarakadda.

Sheekh Xassan Yacquub wuxuu ku sheegay Sababta ay ugu Biireen Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin "si loo yareeyo Khilaafka ka dhaxeeya Mujaahidiinta Cududoodana loo xoojiyo" wuxuuna ugu Baaqey Mujaahidiinta kale ee Gobolka Jubadda Hoose inay ku soo biiraan Wilaayada Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay sidoo kale inay soo dhawaynayaan in Xoogaga kale ee Islaamiga ah ku soo biiraan Ururka Alshabaab oo haatan haysta Awooda ugu Badan ee ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Isku soo wadda Duubo Maamulka Kismaayo hore waxaa u wada dhistay Xoogaga Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, Mucaskarka Raaskaanbooni, iyo Mucaskarka Caanoole waxaana hadda Cidla taagan Caanoole iyo Raaskaanbooni,Marka la eego waxaa Muuqda Ismaandhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Xoogaga Islaamiga ah(Al-shabaab iyo Hizbul Islaam) oo iyagu ku midaysan Dagaalka looga soo horjeedo Dawladda KMG ah iyo Ciidamadda AMISOM.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com