shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaaradda Ganacsiga DFKMG oo shaacisay in Dib loo furay Dhoofka Xoolaha Soomaalida.

 (Muqdisho, September 10,  2009 Ceegaag Online) 

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dawladda KMG ah ee Soomaaliya C/rashiid cirro ayaa Maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotel Saxafi ee Magaaladda Muqdisho wuxuuna kaga hadlayay in Dib loo furay Ganacsigi Dhoofinta Xoolaha Soomaalida isla markaasna Xoolaha laga dhoofinayo Magaalooyinka Bosaso,Berbera iyo Muqdisho waxaana uu sheegay inay Diyaar ku yihiin Dhamaan Dekedehaasi Ganacsatadi Ajaanibta ahayd ee Qaadanlahayd Xoolaha Soomaalida.

C/rashiid Cirro ayaa shirkiisa Jaraa'id ugu horayntii ku sharaxay Hawlaha Lagu dhoofinayo Xoolaha Somalida "Shirkan Jaraa’di waxa uu ku saabsan yahay Dhoofinta Xoolaha Nool waxaanan umada Soomaaliyeed u Cadeyneynaa in DKMG ahi ay ku guuleysatay Dib u furida Dhoofinta Xoolaha Nool kuwaas oo lafdhabarka koowaad u ah Dhaqaalaha Dalkan waxeyna Sanadka 2009 Muusimka Xajka ka dhoofi karaan Dekedaha Muqdisho, Barbara iyo Boosaaso waxaana horey loo diyaariyey Majarka Xoolaha sida boosaaso iyo Barbara waxaana dhawaan la furayaa oo hada diyaar looyahay Maxjarka Dekeda Muqdisho waxaana Maalgalintiisa ka qeyb qaadanaya Ganacsato wadani ah iyo kuwa Shisheeye ah".

HALKAAN KA AKHRI WAREEGTADA WASAARADDA GANACSIGA SOMALIA:-

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com